Xukuumada madaxweyne Biixi iyo xukuumadii Siilaanyo maxay ku kala duwan yihiin

Suaashan dad badan baa igu qabsan doonna oo odhan doonna ha is garab dhigin amaba iskuma dhowa.
Balse waxaan sheegaya kaliya waxay ku kala duwan yihiin:
Xukuumadda Siilaanyo agaasime waaxeed ilaa wasiir waxay heshiish ku ahayeen in odayga magaciisa la ilaaliyo qof waliba isku dayo dadka ka soo horjeeda inay soojiitaan waxay u shaqaynayeen si wadareed.
Halka xukuumada Biixi individual mid waliba si gaar ah u shaqaynayo mid walba ilaalinayo sharaftiisa gaar ah.
Waxaad arkaysa wasiir saxaafada iyo mucaaradkaba la saaxiib ah oo kula heshiiyey cidaad doontaan weeraro balse aniga I nabadgaliya.
Mid waliba kaligii buu doonayo inuu Doonta ka badbaado
Waxa Qoray Weriye
Barkhad-ladiif Mohamed Omar