Xukuumadda Muuse Biixi  Oo tahli kari weyday  Inay Xoggo Ka Hesho Mudaharaadka Ay Abaabulayaan Xisbiyadda Mucaaradka Ucid & Waddani & Agagbka loo isticmaalayo.

Xukuumaddda KULMIYE ee muddo xilleedkeedii sii dhammaanayo ayaa la sheegay inay ku jahawareertay raadinta xogta la xidhiidha mudaharaad-yadda ay abbaabulayaan Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI,waxaana la sheegay inay illaa hadda garan la’dahay goorta la qabanayo mudaharaadkaas iyo qaabka loo abbaabulayo iyo xoggo kale oo la xidhiidha.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyey waxa heegan ku jiray Xukuumadda Madaxweyne Biixi,taas oo ka cabsi qabta in mudahaarad-yaddu ay jiidhaan,waxaanay isku day-day wax kasta oo ay ku baajin karto, hase-yeeshee waxay ku guul-darraysatay inay hesho xoggo la xidhiidha qaabka loo abbaabulayo mudaharaad-yadda iyo sida ay wax u wadddaan Mucaaradku.

Dhanka kalena Xisbiyadda mucaaradka Somaliland iyo guddida qaban-qaabinaysa mudahaarad-yadda ayaa adkeeyey xogta la xidhiidha hawlaha mudahaaradka ay qaban-qaabinayaan, taas oo niyad jab weyn ku riday Xukuumaddda KULMIYE, waxaana xusid muddan in illaa hadda ay Xukuumadda Biixi ay ku jahawareersantahay arrintan,isla markaana ay jiif iyo joogba diiday.

Si kastaba ha-ahaatee Xukuumadda KULMIYE ayaa ku guul-darraysatay inay hesho xoggo la xidhiidha mudaharaadka ay abbaabulayaan Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland,waxaana ku adkaatay inay hesho goobaha lagga diyaarinayo iyo goorta ay dhacayaan bannaan-baxyadda bad-baadinta dalku.