Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Kulankan ayaa laga soo saaray go’aamo adag oo lagu cambaaraynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta fara-gelinta qaawan iyo hurinta colaadaha qabaliga ah ee uu
maamulka Muqdisho ku hayo Deegaanno dhul ahaan, soohdin ahaan iyo taariikhba ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, sida Bariga Gobollada Sool iyo Sanaag.





