Writen by Qaran News |

Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf, wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa, hillaadii 1944-kii. Wuxuu ka bilaabay waxbarashadiisii malcamaddii la odhan jirey ‘’ Saqadhi ‘’oo ku taalay hadaanta Hargeysa. Dugsiga hoose dhexe isna wuxuu ka bilaabay ‘’School Riis”. Abwaanku kumuu raagin waxbarashadii dugsiga hoose dhexe ee waa isaga tagey isagoo fasalka afraad maraaya. Wuxuu shaqadiisii koobaad ku bilaabay‘’ Boynimo‘’.Intaas ka dib wuxuu noqday Kuug ama cunno sameeye wanaagsan. Xirfadaha kale ee uu bartay kaddib waxaa ka mid ahaa ; Darawalnimada iyo turjumidda afafka qalaad, maadaamuu waddamada Afrika oo dhan badankooda maray. Fanka iyo hal-abuurnimada waxuu ii sheegay inuu xiisayn jirey isagoo da’ahaan yar.
Lagama waayi jirin dhinacyada odayaasha sheekaysanayaa, iyo cid kastoo hibo u leh hal-abuurka. Waxay u yaqaanneen; nin yaroo nin weyn ah. Abwaanku wuxuu tagey Xamar sanadkii 1961-kii isagoo markiiba ka hawl galay ha’ayadda‘’ USAID‘’.
Markii ugu horreysay ee uu wax curiyo gugiisu wuxuu ahaa
23-jir. Wuxuu sameeyay wakhtigaas hees hirgashay oo uu qaado heesaagii codka macaana ee Maxamed Nuur Giriig AHN. Waa sannadkii 1967-kii. Ereyada heeskaa waxaa ka mid ahaa meerisyadan; Meeqaam nin mudan , oo miiganaa , intaad maamusheen, miidaamiseen, waxaad tahay mid baaso, lay soo maldahayoo, anigana i mudatee….. …
Abwaanka waxa heestaa markiiba ugu xigtay Riwaayad.
Way adkayd in nin dhallinyaraa oo ku cusub masaraxa hal-abuurka inuu sameeyo riwaayad dhamaystiran. Waayo,waa hawl nin weyn oo fanka muddo ku soo jirey mooyanee aan looga fileyn qof dhallinyaraa. Riwaayaddaas magaceeda waxaa la odhan jirey‘’ Annagoo waalan waagu noo beri ‘’. Waxaa ka qayb qaatay fannaaniin tiro badan. Waxaan ka xusi karnaa; Maxamed Saleebaan Tubeec AHN, Axmed Mooge Liibaan AHN , Maxamed Jaamac Joof AHN, Xasan Diiriye, Marwo maxamed, Axmed Good Shimbir iyo qaar kaloo badan. Waxaa ku jirey geeraaro iyo heeso badan oo aanan halkan ku soo koobi karin qoraalkooda. Waxaa ka mid ahaa heesihii caanka noqday ee ku jirey riwayadaas ; Miidaamo dhego-maleh , hadduu malag dhawaaqee. Waxaa codkiisa macaan ku qaadi jirey Axmed Mooge Liibaan AHN. Waxaa kale oo ka mid ahaa ; Diin god gal , good diin gal iyo riyadii xalay, baan rumaystoo , raaxaan moodoo , waan riyaaqee ( Riyo).
Waxaa heeskan danbe i yadana ku luuqeyn jirey boqorkii codka Maxamed Saleebaan Tubeec AHN .Waxaa kale oo ka mid ahaa riwaayaddaas heeskii ;” Hambaabir ” ee uu qaadi jirey Xasan Diiriye .
Sannad kaddib ayuu abwaanku allifay riwaayad kale oo
la odhan jirey ‘’Ninna waal ninna waani ‘’. Waxay ahayd duurxul ku socotay Kacaankii Jaalle Siyaad .Waxaa uu abwaanku riwaayaddaas ka ahaa jilaa heer saraa . Geeraarada riwaayaddaas waxay iswaydaarsanayeen Maxamed Ayax oo markaa ku matalaayay isagu gabadh. Waxaa riwaayaddan ku jirey jilayaal iyo fannaaniin badan .Waxaa ka mid ahaa; Muuse Ismaaciil Qalinle, Saado Cali Warsame ilaahay haw naxariisto labadoodabee. Wuxuu ii sheegay abwaanku inuu ka shaqeeyay siday isku guursan lahaayeen Muuse iyo Saado . Wax yar kaddib ayay isguursadeen oo ay ka aqbaleen codsigii abwaanka. Waxay isku dhaleen gabadh kaliya oo markii ugu danbeysay magaalada Burco ku noolayd . Riwayaddaas waxaa kaloo ku jirey fannaaniin iyo jilayaal badan . Waxaa kaloo ka mid ahaa Axmed Cali Cigaal, Maryan mursal , Shankaroon Axmed Sagal , Sahra siyaad , Maxamed Ayax iyo qaar kaloo badan. Waxaa riwayaddaas ka mid ahaa heeso badan oo caan ka noqday geyiga soomaalidu degto oo dhan . Waa kuwan qaar ka mid ahi; Ubaxoo dillaacaay ama
( Dardaraan) kolba tay bulsahdu u yaqannaan. Waan kuu warramayaa , kaa waaban maayee naftaydaay, iyo heeskan soo socda oo ay wada qaadaan Axmed Cali Cigaal iyo Shankaroon ; Adna gacaladaydaay , aynu guri yagleellee , geestada ila qabo. Ugu danbayntii waxaa ka mid ahaa riwayaddaas heeskan la yidhaah ;Jalam-qalam jacaylkuye , soo kan jiirta ila korey , jarka dacalka iga sudhey , ha soo jeedsan igu yidhi; iyo waliba heeskii macaana ee ‘’ ila laba lis caashaqa ‘’. Intaas oo heesa badankooda waxaa codkii libaax la moodka ahaa ku qaadayey Alle haw naxariisto’e Qalinle. Waxaan abwaanka wayddiiyey markuu halkaas ii marinaayey weraysiga , wuxuu yahay ereygan uu ku bilaamaayo heeskan u danbeeyay ee uu ii tirinaayey. Waa ereygan ah Jalam-qalam . Intaas kaddib wuxuu iiga taariikhooday halkuu ka keenay ereygaas iyo qiimaha uu heestan ugu fadhiyo . Kuye ‘’ Adeer Axmedoow ; Ereygan aad ii sheegayso waxaa markiisa hore halhays u lahaa abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo aan saaxiib dhaw isku ahayn . Anna waxay iga ahayd uun buuxin ama waxa la yidhaahdo ; naaxiyad heeseed .
Sannadku markuu ahaa 1972-kii ayaa waxay isaseegeen abwaanka kacankii madaxa adkaa . Waxaa abwaanka loo taxaabay jeel . Wuxuu xidhnaa muddo afar bilooda. Waxaa kiis looga dhigey hees uu sameeyay oo uu wakhtigaas riwayadan ku jirtey, islamarkaana uu qaado Axmed Cali Cigaal. Waxaa ka mida ereyadeedii ; Maxaad sheekadeeni ( nacas ) intaad shirisay dumarkii, (doqon ). Isla sannad kaddib wuxuu abwaanku haddana allifey riwaayad kale oo la magac baxday ‘’ Yaan la waalin jacaylka ‘’ . Waxay ka mid ahayd silsiladi waalida riwaayadihii uu ula baxay. Abwaanku wuxuu fannaaniin kala duwan u dhiibay heeso qumana oo fara badan. Waxaa u gu horreeyay Maxamed Mooge Liibaan AHN . Wuxuu u dhiibay tiro ba Siddeed heesood . Nasiib darro se wuxuu abwaanku ii sheegay inuu dhintey isagoo laba heesood oo kaliya ka qaaday . Waxayna kala ahaayeen kuwan; Waxay tidhi Shabcaantii , markii aad shib iga tidhi , shalwatee idiidee , shaydaanka raacdee, iyo markii aan ladnaadaba , soo haweenku ima luro , lule ima qaataan , laac ima dhigayaan , sow ima lugooyaan , sow ima lugooyaan ..!!! Heesaha kale uu sameeyay waxaa ka mid ahaa ; gododle waa gaddiisii godale ; Waxaa cod talantaaliya kuwada qaadi jirey faanniinta kala ah Axmed Mooge Liibaan , Xaliimo khaliif Magool iyo Hibo Nuura . Intaas kaddib wuxuu in yar iiga qisooday sababtay ku timid heeskan midhaheedu aanu soo sheegnay xaggan sare . Wuxuu i gu yidhi AHN abwaanku ; Nin aanu saaxiib ahayn ayaa wuxuu qabay laba dumara . Labadaas dumara wuu kala qarin jirey oo ismay ogen in nin kaliya wada qabo . Labadaba waxa uu kala dejiyay laba xaafadood oo Xamar ku yaal oo waliba kala duwan. Marka uu doonaayo inuu masalan u tago mid gabadhaha ka mida oo degan xaafad heblaayo. Wuxuu ta kale ku odhan jirey;waxaa laga yaaba in aan caawa kaa dhaxo ee sidaas ku ogoow . Wuxuu sidaas ku qababa labadoodii ayaa maalin maalmaha ka mid ah ay is -helay .Dabadeed dar ilaahay ayay isku waraysteen .Waxay ogaadeen in nin kaliya uu wada qabo labadoodaba .Waxay ku heshiiyeen in marka uu yimaado mid walba ay si isku mida ay labaduba ugu yidhaahdaan ; waxaan doonayaa inaad xaafad hebla ii rarto?. Dabadeed tii uu habeenkaas gurigeeda tagay ayaa ku tidhi ;walaal waxaan doonayaa xaafad heblaayo inaan u guurno?. Xaafad heblayadaasa ay sheegaysana waxaa degan tii kale
ee uu ka qarinaayey beryahaaba . Dabadeed wuu ka maraateeyay oo kuna maaweeliyay inaanay macno sidaasa lahayn xaafaddaasi . Haddana tii kale ayuu u tagay habeenkii kale . Sidii si la mida ayay ku tiraabtay iyaduna. Isna waa la yaabay labadaas su’aalood ee isku midkaa ee ay waydiyeen. Afkii baa juuqda gabay markan .Wuxuu ku yidhi ; ma jecli inaan u guurno xafaddaas aad sheegayso . Waxay iyaduna u sheegtay inay wax walba soo ogaatay. Waxay ka codasatay in hadda uu siiyo warqadeedi . Isna kama dul ooyine waa siisay markiiba . Haddana tii kale ayaa iyaduna ku tidhi ; anna isii warqadaydii ?. Iyadana isagoo yaaban ayuu siisay . Muddo yar oo kooban ayuu faramadhnaan haween ku dhacay . Dabadeed intaas ka dib wuxuu u yimid abwaanka oo uga taariikhooday wixii qabsaday . Sidaas ayay ku timid ujeedka heestan gododle waa gaddiisiiiye godadle . Waana mid taabanaysa raga gododlayaashaa wakhti walba oo ay joogaan.
Sannadkii 1962-kii wuxuu Maxamed Axmed Kuluc AHN u dhiibay hees la odhan jirey ‘’ Ila qabo ‘’ . Sannadkii markuu ahaa 1967-kii wuxuu isna udhiibey Maxamed Saleebaan Tubeec heeskii ‘’ Dhaqan’’ . Waxaa kale oo ka mid ahaa heesa uu curiyay abwaan Xasan Qawdhan heeso waddaniya . Waxaan ka xusi karnaa heeska ay qaado fanaanadii weynayd ee aan fankaba looga horeyn XAMAR . Waa marwo Dalays Cabdillaahi. Waxay heestu ku bilaamaysay ereyadan soo socda ; Hunuhunnuu hadal maaha , himbriirsii arag maaha . Heesaha uu sameeyay abwaanku kuwaan marnaba laga caajisin waxaa ka mid ahaa heeskan ; Jaaheeda nuurka leh , ayaa I jiidanaayee , juuq umaan idhaahdeen , haddaan jari karaaye , joogaaha maqan baan ahee , maqanahaa joogaan ahee. Waxaa codkiisa macaan ku qaadi jirey Muuse Ismaaciil Qalinle .Kooxdii Waaberi dabadeed wuxuu abwaanku heeso kale duwan oo badan u dhiibay fanaaniintii iskood isku xilqaamay inay fanka ay sii huriyaan . Waxaa ka mid ahayd fanaandii la yidhaah ; Sahra Cali Xasan oo uu intuu xasuusto laba heesood u dhiibay . Waxay kala ahaayeenna ‘’ Laaga il qabay iyo Raxan reebka caashaqa ‘’.
Heeso iyo riwaaydo intaas ka badan ayuu leeyahay abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf oo aanan qormadan ku soo koobi karin ee u baahan dabagal dheeriya in lagu sameeyo . Riwaayadahaa aan wakhtiga iyo abwaanka isla waayey waxaa ka mid ah ururintooda ‘’ Jacayl aan jid lahayn iyo jaho loo dhaqaaqo ‘’ Iyo waliba ‘’ Jacaylka waan xidhayaaye yaa xisaab ku lahaa ‘’ iyo weliba ” I tali kuu talin maayo ..aan wada tashano wada tashan mayno……” Heesaha iyagan aanan helin summadooda waxaa ka mid ahaa heeso ay qaado fanaanada Ikraan Jaamac .Hees uu sameeyo oo debadda u soo baxda waxaa ugu danbeysay heeska uu qaadaay ciidii 2016-kii ku beegnayd fannaanka magaciisa la yidhaahdo; Xasan Gacan. Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf waa nin taariikhdiisa faneed weyn tahay islamakaana baaxaddeeda leedahay. Waxay u baahan tahay ururin mug leh . Waxaa laga samayn karaa dhigaal ( Buug ) qurxoon oo ummada Soomaaliyeed dhaxal iyo hanti ay leedahay u noqda . Abwaan Xasan Qawdhan maanta ayuu ku dhintay carriga Iswiidhan . Wuxuu abwaanku yeeshay afar xaas isagoo eebbe uga calfey ( 5 , 2 , 1 ,1 ) caruur ah . Caruurtu dhalay ayaa caruuro sii leh . Wuxuu ahaa awoow abwaanku. Wadarta wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen immika intaan hubo waa ( 25 ruux ) . Waxaan ka cudur daaranayaa isagoo muddo laga joogo’’ 16 sanno ‘’ aan isnaqaaney oo dabadeed aanan wax badan oo taariikdiisii faneed ah ka qorin ama ka guntin . Waxaan ahayn muddadaas isku masjid iyo isku majlis . Waxaan ka dheefay ereyo iyo odhaahyo buurta daalo ka culus. Se waxaan ku faraxsanahay in maanta qayb ka mid ah aan idiin la wadaago taariikhdiisii faneed. Waxaan ku soo gabegabynayaa qormadaydan kooban duco iyo dareen tacsiyeed . Sidaad afkeenii iyo fankeeni aad ugu u hiilisayna alle ha kuugu hiiliyo aakhiro , jannadana ha kugu casuumo Inshalaah Aamiin Aaamiin …! !

W/Q; Axmed Karaama