“Yaa dilay iyo mooyi maaha wax la aqbali karo ee xal baa looga baahnaa”
WQ. mujaahid Cali Guray
“XALKU XADHIG IYO XABBAD MAAHA
Marka hore waxan tacsi u dirayaa qooyasaska ay ka baxeen muwaadiniintii naftooda ku waayay shaqaaqada ka socota Laascaanood oo gaadhay heer aan hore loo arag. Waxan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo iyagana naxariistii janno ha ka waraabiyo.
Laascaanood marka hore waa la gabay hadana waa la gaasiray. Xukuumaddu way hagratay oo umay hagarbixin waxkaqabashada dilalka fooshaxun ee soo noqonoqata. Yaa dilay iyo mooyi maaha wax la aqbabi karo ee xal baa looga baahnaa. Hadda way dhaaftay intii ay adjaysan karayeen is-dhegomarinta xukuumadda oo waxay gaadhay “zero tolerance”. Waa maanta keentay kacdoonka shacbiga. Markaa yaan lala yaabin shacbiga gadoodsan qaladka ma laha ee cidii leh baa leh. Hadda caano daatay dabadeed la qabaye waxa uun asal ah in xaaladda la dejiyo si khasaaruhu aanu u sii socon ee intaa ugu joogsado.
Shacbi gadooday dejin uma noqon karto in ciidamada lagu fasaxo dad gadoodsan oo aan hubaysnayn. Xadhig iyo xabbad lala dhexqaado dad shacbi ah oo gadoodsan oo aan hubaysnayn. Taasi maaha dejin ee waxa loo qaadan karaa kicin dano kale laga leeyahay weliba xiligan oo xaalado xasaasi ah dalka ay ka jiraan khilaaf siyaasadeed oo dhinaca doorashooyinka ahina uu heer xun maray, komishanku beri ay dalka ka bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyaha. Tuhunno soo baxayaana way jiraan eh Allah ha inoo sahlo.”
May be an image of 1 person