Writen by Qaran News |

 Yaa ka faa’iideysanaya, yaase ku khasaaraya xiisadda Iiraan iyo Mareykanka?

Protesters in IranProtestors in Tehran take part in an anti-US rally following the killing of Qasem Soleimani

Dilkii uu Mareykanku u geystay janaraalkii Iiraan ee Qasem Soleimani iyo weerarkii gantaallada ee ay Iiraan ku aargoosatay waxay kiciyeen cabsi xoog leh oo laga qabo inuu dagaal toos ah dhex maro labada waddan.

Cidda faa’iideysa ama khasaareysa waxay ku xirantahay tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan Washignton iyo Tehran.

Haddaba, yaa guuleysanaya yaase guul-darreysanaya?

Iiran

Inkastoo uu ka dhintay sarkaal sare oo milatari ah, Iiraan waxay faa’iido yar ka heshay dilka Qasem Soleiman.

Geerida Janaraalka, iyo aaskii dadka badan ay usoo baxeen ee daba socday, waxay Tehran u sahleen inay indhaha shacabka ka jeediso qalalaasihii ka aloosnaa mudaharaadyadii looga soo horjeeday dowladda ee ka dhashay sare u qaadista qiimaha shidaalka. Mudaharaadyadaas oo waji xun sii yeelanayay waxay Iiraan ka billowdeen bishii November.

Arrintaas waxay sidoo kale Iiraan u fududeysay inay guud ahaan shacabkeeda mideyn karto xilli sidaasoo kale xasaasi u ah, iyadoo aysan saameyn ku yeelanin kala qeybsanaanta siyaasadeed ee jirta.

Dowladda Iiraan waxaa saarnaa cadaadis dhaqaale oo ka dhashay cunaqabateynnadii ugu dambeeyay ee uu Mareykanku kusoo rogay, ka dib markii uu Madaxweyne Donald Trump ka baxay heshiiskii nuclear-ka Iiraan, sanadkii 2018-kii.

.Soleimani wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa milatariga Iiraan

Sanadkii lasoo dhaafay, xaaladdu waxay sii xumaatay ka dib markii ay Iiraan soo ridday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo uu leeyahay Mareykanka. Sidoo kale waxay gacanta ku dhigtay maraakiib. Waxaa kale oo Iiraan lagu eedeeyay inay taageereysay weerarro gantaallo ah oo uu ka mid ahaa kii lagu qaaday warshadaha saliidda sifeeya ee Sacuudiga – arrintaasoo ay beenisay.

Dilkii Soleimani ka dib, durbadiiba Iiraan waxay sameysay aargoosi, iyadoo weerar ku qaadday saldhigyada Mareykanka ee dalka Ciraaq. Dowladdu waxay tallaabadaas ka faa’iideysaa in ay sii heysato taageerada shacabka, maadaama ay muujisay inay wax sameyn karto haddii uu Mareykanku tallaabo kale ka qaado.

Hase yeeshee, haddii ay Iiraan tallaabooyin dheeraad ah qaaddo, waxaa laga yaabaa inaysan noqonin dhinaca guuleysta.

Inkastoo ay ku xirantahay qaabka kale ee ay Iiraan ugu aargudeyso Soleimani, haddana waxaa la ogyahay in milatari ahaan uu waddankan ka awood yar yahay Mareykanka, haddii uu dagaal toos ah dhex marana uu culeys weyn soo wajihi karo Tehran.

Iyadoo hadda ay Iraan saaran yihiin cunaqabateyno culus, cadaadisna uu ku heysto inay u hoggaansanto heshiiskii bacriminta nuclear-ka, haddii ay xaaladdu sii xumaato waxaa suurtagal ah in ay go’doon sii gasho.

Mareykanka

Waxaa laga yaabaa in maamulka Trump uu ku guuleystay tijaabinta awoodda milatari ee Iiraan, halka uu si ku talagal ahna u xoojiyay fursadda madaxweynaha Mareykanka dib loogu soo dooran karo bisha November ee sanadkan.

Wuxuu sidoo kale farriin muujineysa taageero u diray dalalka uu xulafada la yahay ee Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya, oo ay cadow isku yihiin Iiraan.

.Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Iiraan ay dib u dagtay markii ay gantaallo ku weerartay saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq

Laakiin gacanta uu Mareykanku la horreeyay waxay sababtay ficillo far-far-ku-taag ah, waxayna taasi keeni kartaa inuu sare u kaco qiimaha shidaalka ee caalamka.

Waxaa kale oo ka dhalan kara inay Mareykan kale dhintaan, islamarkaana uu dagaal horleh oo sannado kale qaata ka billowdo gobolka bariga dhexe.

Arrintaas waxay saameyn ku yeelaneysaa dalal kale oo farabadan, oo ku yaalla gobolkaas iyo meelo ka fogba.

Xoogagga Shiicada ee Ciraaq

Si kooban, xoogagga Shiicada ah ee ay Iiraan taageerto ee ku sugan dalka Ciraaq waxay ka faa’iideysan karaan xiisaddan hadda taagan.

Bilihii lasoo dhaafay, dowladda Ciraaq waxay wajaheysay mudaharaadyo looga soo horjeedo maamulkeeda oo ku saabsan saameynta ay Iiraan ku leedahay dalkaas.

Waxaa kale oo lagu eedeynayay inay maamul xumo iyo musuqmaasuq ka jiraan dowladda Ciraaq.

.Mudaharaadyada waxaa ka qeyb galayay ururrada bulshada ee dalka Ciraaq

Maleyshiyaadkan – iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee ka dhisan Ciraaq – waxay dhimashada Soleimani u adeegsan karaan inay dib u hantaan saameyntii ay Ciraaq ku lahaayeen iyo inay sharciyeystaan sii joogista waddankaas.

Baaqa ku saabsan in ciidamada Mareykanka laga eryo Ciraaq wuxuu ahaa mid ah muddo dheer soo jeedinayeen ururradaas.

Waxay sidoo kale fursad siineysaa kooxaha argagixsada, sida IS iyo Al-Qaacida, oo dib u xoogeysan kara.

Israa’iil

Iiraan iyo Israa’iil waxay muddo dheer isku heysteen danaha gobolka bariga dhexe, waxayna dowladda Iiraan dooneysay in la burburiyo xukuumadda Yuhuudda.

Marka laga eego dhinaca Iisraa’iil, waxaa wali taagan halis badan oo iyaga ka dhan ah. Kuwaas waxaa ka mid ah taageerada ay Iiraan siiso dhinacyada cadowga ku ah Iisraa’iil, sida ururka fadhigiisu yahay Lubnaan ee Xisbullah iyo madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Asad.

Ciidamada Qaramada Midoobay ayaa tagay xadka Israa'iil iyo Lubnaan ka dib dilkii Qasem Soleimani

Sidaas awgeed, dilka Soleimani wuxuu caddeyn u yahay sida uu Mareykanku u damacsan yahay inuu xakameeyo awoodda Iiraan.

Dhinaca Iisraa’iil, waxay u badan tahay in tallaabadan laga soo dhaweeyay, loona arko inay tahay mid dani ugu jirto amniga Israa’iil iyo yareynta dhaqdhaqaaqyada kooxha ay Iiraan taageerto.

“Israa’iil waxay si buuxda Mareyknaka ugu garab taagan tahay dadaalka uu ugu jiro sugidda nabadgalyadiisa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo hadlayay weerarka ka dib.

Mudaharaadeyaasha bariga dhexe

Halista soo socota ee ku saabsan dagaal dhaca waxay dowladaha ku yaalla Bariga Dhexe siineysaa marmarsiiyo ay ku joojiyaan mudaharaadyada ka socda guud ahaan gobolka.

Si gaar ah waxay u khuseeyaan dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay dalalka Ciraaq, Lubnaan iyo Iiraan, oo dadweynahoodu ay ka careysan yihiin shaqo la’aan iyo musuqmaasuq.

Waxaa mudaharaadeyaashaas lala tacaali doonaa iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo amniga qaranka.

.Mudaharaadeyaasha Lubnaan waxay ka cabanayaan musuqmaasuq iyo sinnaan la’aan

Dowladuhu waxay xitaa sii qaadi karaan tallaabo dheeri ah, iyagoo siyaasiyiinta kasoo horjeeda gacan adag ku qabanaya, uguna soo gabbanayaan xiisadaha soo socda.

Sacuudiga iyo Imaaraadka

Sacuudi Carabiya iyo Isu tagga Imaaraadka Carabta waxay taagan yihiin booska ugu halista badan.

Labadooduba waxay saameyn kasoo gaartay weerarradii lagu qaaday maraakiibta ee ka dhacay marin-biyoodka Hormuz iyo weerarkii lagu qaaday warshadaha saliidda ee Sacuudiga. Ficilladaas waxaa si weyn loogu tuhmay inay ka dambeyso Iiraan ama ay fuliyeen ururrada ay taageerto.

Laakiin Iiraan waxay beenisay inay wax lug ah ku lahayd.

.Mareykanku wuxuu Iiraan ku eedeeyay weerarradii lagu qaaday maraakiibta ku sugneyd gacanka Cumaan

Imaaraadka Carabta oo weerarradaas ka jawaabaya ayaa khafiifiyay xiriirkii ay la lahaayeen Iiraan, halka Sacuudigana ay garab istaageen cadaadiska xooggan ee ay Washington ku heyso xukuumadda Tehran.

Tan iyo Markii uu dhacay dilkii Soleimani, labadan waddanba waxay ku baaqeen in xaaladda la dajiyo, wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaana u safraya Washington, si uu wadahadal ula yeesho maamulka Trump.

Laakiin halka ay juqraafi ahaan gobolka uga yaallaan, iyo cadaawadda kala dhaxeysa Iiraan ayaa ka dhigeysa kuwo u nugul weerarrada ka imaan kara Iiraan.

Yurub

Yurub oo horayba ula dhibaatooneysay inay xal u hesho badbaadinta heshiiskii nuclear-ka Iiraan, waxay hadda si ay ka yeesho la’dahay xiisadda ka dhex taagan Iiraan iyo Mareykanka.

Dowladda UK waxay arrintu ku noqotay kadis, xilli horena laguma sii wargalinin weerarkii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ku dishay sarkaalka Iiraan.

Isla sidaasoo kale, dalal reer Yurub ah oo Mareykanka kala qeyb qaatay dagaalkii IS, ciidamadooduna ay ku sugan yihiin Ciraaq, waxaa laga yaabaa inay arrinta faraha kala baxaan, haddii ay Iiraan ku dhawaaqdo dagaal ay la gasho Mareykanka.

Dilkii Soleimani wuxuu dhammaanteen na xasuusinayaa inaan xal loo helin saameynta dhinaca maamulka ee ka dhalatay kacdoonkii carabta ee dhacay muddo ku dhawaad 10 sano ah ka hor.