YAA? SIBIDHKII BERBERA AA?
Marlii SNM ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada Berbera Warshadda Sibidhku way shaqaynaysay. Madaxdii SNM kumay guulaysanin in ay badbaadiso warshadii shaqaynaysay ee indhagooda oo shan ah ayaa hortooda lagu burburiyay. Muddadii ka dambaysay wakhtigaasi oo 31 sanadood ka badan Somaliland ceeb bay ku tahay in waxba laga qaban waayo iyadoo laga qaban karayay in dib loo kiciyo warshadii hore iyo xataa in kuwo cusub la dhisaba. Bal qiyaasa Somaliland inta lacag kaga baxday sibidhka ay ka soo dhoofsanaysay dibadda iyadoo ay ka marmi karaysay weliba halka ay ka soo dhoofsanaysay aan rumaysanahay hadii caqli jiro in dibadda ay iyadu u dhoofin karaysay wixii ka badan baahideeda. Sidaa daraadeed aniga marka hore waxa ii daran in Somaliland ay soo saarto sibidhka dalkeeda. Xataa hadii ay jiraan wax si u qaldani aniga xagayga qalad waa la sixi karaa goor kasta ha noqoto eh.
Aniga oo aan marna cadaalad darro taageerayn cid baa gaar loogu ogolaaday in ay kiciso warshadii hore ee sibidhka ama ay mid cusub dhisto hadii ay jirto kolka ma diidani. Waayo dee 31 sanadood oo aanay cidna wax ugu filayn dalkuna u baahnaa sibidhka dalkooda oo ay kaga maarmi karaan ka ay dibadda ka soo dhoofsanayaan ayaan u soo joogay.
Hadda wax aan ka ogahay ama kala socdo sheekan la wadwado ee odhanaysa cid baa gaar loo siiyay ma jirto oo ilaahay igu og yahay. Keliya danta Somaliland oo keliya ayaan ka eegayaa tolow maalin uun ma la arki doonaa wixii aan la arkin 31kii sanadood ee ugu dambeeyay iyo Somaliland oo leh warshad ama warshado sibidh oo wax-soo-saar leh iyo hadmay noqon.
Hadda waa aragtidayda shakhsiga ah sax iyo qaladba