Yuusuf Cabdi Gaboobe waa suxufi weyn oo reer Somaliland ah oo ka badheedha difaacida dalkiisa hooyo oo uu u soo galay halgan adag.

Yuusuf Gaboobe oo warbaahintiisii HAATUF media ay weli xidhan tahay sidii dawladdii hore uga xidhay, haddana taasi wax xumaato ah ugumuu qaadin dalkiisa, waxase uu si joogto ah twitterka ugu jawaabaa cadowga Somaliland mana aha suxufi beyd gaab ah oo ku soo hoos noqda siyaasada Somaliland dhexdeeda.

Marka ay sidaasi tahay weliba uu ahaa halgamaa kaalin ka qaatay dib u xorayntii dalka. Isagoo shaqaysta oo ku nool dalalka Khaliijka u tallaabay SNM, wuxuu innaga mudan yahay in lagu ixtiraamo waddaniyadiisa iyo dedaalkiisa.

Sidaas darteed, waxaan dhallinyaro badan oo maagaysay u soo jeedinayaa inay xushmeeyaan Yuusuf Cabdi Gaboobe taariikhdaas dheer ee uu dalka ku leeyahay, loogana mahadnaqo isxilqaankiisa uu ilaa xiligan u taagan yahay difaaca dalkiisa oo isaga wax walba kala qaalisan

Yuusùf iyo dadka la midka ah waa inaynu garanaa qiimahahooda oo aynaan u jebin cadowga Somaliland oo ku faraxsanaa dacaayadaha iyo naqdiga ka dhanka ah Yuusuf Gaboobe ee laga waday baraha bulshada kuwaasi oo iska daalaaya oo aan marnaba dhabada halganka Muj. Yuusuf ka duwaynin lagu difaacaayo qarankani curdinka ah ee wali halgankanloogu jiro sidii uu cagahiisa ugu istaagi lahaa