Yuweri Museveni oo ka hadlay wuxu yeeli doono Haddii uu Wiilkiisu mar danbe Barta Twitter-ka kaga hadlo Arrimaha Dawlada Uganda

Janaraal Muhoozi Kainerugaba, waxaa dhalay Madaxweyne Museveni
Janaraal Muhoozi Kainerugaba, waxaa dhalay Madaxweyne Museveni

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in wiilkiisa Janaraal Muhoozi Kainerugaba uusan mar danbe barta Twitter-ka kaga hadli doono arrimaha dowladda.

Waxay arrintani ka dambeysay markii Janaraal Muhoozi Kainerugaba uu bartiisa Twitter-ka kuso o qoray in u uku duulayo Kenya isla markaana muddo 2 toddobaad ah uuku qabsan karo Nairobi.

Madaxweyne Museveni ayaa Kenya ka raalligeliyay hadallada wiilkiisa.

“Twitter-ka faraha ayuu kala bixi doonaa, waan ka wadahadalnay arrintaas, Twitter-ka dhib malahan, waxa dhibka keenaya waa waxa aad ku qorto Twitter-ka” ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo la hadlayay teleefishin maxalli ah.

Wuxuu intaa ku daray “ka hadalka arrimaha dalalka kale iyo inuu ka qeybgaato siyaasadda Uganda, waa wax ma dambe uusan sameyn doonin, mana sameyn doono”