๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐ฌ๐ก๐๐๐ฅ๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐




















Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Warshadleyda dalka, kulankaasi oo ay codsadeen maamulka sare ee Warshadleyda JSL.
Ugu horrayn, Warshadleyda Dalku waxa ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen hawlaha muhiimka ah ee uu qabtay muddadii koobnayd ee uu talada dalka hayay, gaar ahaan arrimaha nabadaynta iyo xasilinta gobollada bariga, Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xoojinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka.
Warshadleyda dalku waxa ay Madaxweynaha la wadaageen Duruufaha iyo Cabashooyinka ay qabaan, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha Cashuur Dhaafka Qalabka, Mishiinnada iyo Agabka (๐ซ๐๐ฐ ๐ฆ๐๐ญ๐๐ซ๐ข๐๐ฅ๐ฌ), Warshadaha. Sidoo kale, Warshadleydu waxa ay ka cawdeen maalgelin laโaan iyo tartanka adag ee ay kala kulmaan Badeecadaha lagu soo warshadeeyo dibedda. Waxaana ay codsadeen in ay Xukumaddu hoos u eegto duruufaha ku xeeran Warshadleyda dalka
Madaxweynuhu waxa uu si taxaddir leh u dhegeystay dhammaan arrimaha ay Warshadleydu ka cabanayeen, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan soo wax-saarka gudaha iyo kobcinta dhaqaalaha Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu Warshadleyda u xaqiijiyey in Xukuumaddu ay si dhab ah u eegi doonto arrimaha ay ka cabanayaan, si loo helo xal waara oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo horumarinta Warshadaha Maxalliga ah.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Warshadleyda dalka loo fududeyn doono helitaanka dhul bilaash ah oo ay Warshadahooda ka dhisan karaan, isla markaana Xukuumaddu ay dadaal xooggan ku bixin doonto in ay helaan Shidaal jaban, Koronto jaban, iyo Cashuur-dhaaf Sharci ah wixii ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ay Warshadleyda dalka xaq u siinayaan.
Madaxweynuhu waxa uu Warshadleyda xasuusiyey in wax-soo-saarka Warshadaha ee gudaha dalku uu yahay furaha horumarka iyo madaxbannaanida dhaqaale ee dalka, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la abuuro Siyaasad iyo Istiraatiijiyad Qaran oo dhiirrigelisa Warshadaha Maxalliga ah, laguna ilaaliyo tartan caddaalad ah oo ka dhexeeya alaabta gudaha iyo tan dibedda lagu soo warshadeeyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maamulka sare ee Warshadleyda dalka u sheegay in wixii Warshadleyda u dan ihi ay Xukuumaddana dan u yihiin.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-fahan iyo niyad-wanaag, iyada oo Warshadleydu ay soo dhaweeyeen hadalka Madaxweynaha, isla markaana uga mahad celiyeen dedaalkiisa iyo aragtidiisa fog ee uu ku wajahayo horumarinta Warshadaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.






