Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Ganacsato ka soo jeeda dalka Australia oo iyagu danaynaya maalgashiga khayraadka Macdanta JSL.

Is-xog-waraysi ka dib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ganacsatada reer Australia u sheegay in albaabada Somaliland ay u furan yihiin Maalgashiga Caalamiga ah, Qaranka JSL uu yahay mid madaxbannan, la isku hallayn karo oo leh shuruuc iyo xeerar adag oo si daah-furan loogu maamulo ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah.

Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale ayaa isaguna si diirran u soo dhawaysay ganacsatada reer Australia, isaga oo xusay in ay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin abuurista jawi maalgashi oo furan, hufan oo dhiirrigelinaya Maalgashiga Caalamiga ah, si loo xoojiyo koboca dhaqaalaha dalka, loona abuuro fursado maalgashi oo faaโ€™iido u leh labada dhinacba.

Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Taiwan, Danjire Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in uu muddo badan ku hawlanaa sidii ay weftigani u iman lahaayeen dalka Somaliland, isaga oo xusay in arrintani ay qayb ka tahay Istaraatiijiyadda guud ee Xukuumadda ee lagu soo jiidanayo maalgashi shisheeye, laguna horumarinayo ka faaโ€™iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.