

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa kulan la qaatay Wefti culus oo ka socday Dawladda Boqortooyada Ingiriiska.
Weftiga Ingiriiska ayaa ka koobnaa masuuliyiin sare oo ka socday Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Somaliland, Safiirka Dawladda Ingiriiska iyo masuul ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska.
Dhinaca Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kulanka waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdalle Maxamed Carab, waxaana ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdalle Maxamed Carab waxa uu si qoto dheer uga hadlay xidhiidhka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xidhiidhkaasi u gudbo heer cusub oo iskaashi istaraatiiji ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga khataraha amni ee isa soo taraya ee gobolka.
Wasiirku waxa uu sidoo kale waftiga la wadaagay aragtida cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku wajahan casriyeynta, dib-u-habaynta iyo xoojinta hay’adaha amniga, isaga oo tilmaamay in amniga casriga ahi u baahan yahay isku-xidhnaan hay’adeed, xog sugan, tiknoolajiyad iyo awood hawlgal oo mideysan.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyey qorshaha Somaliland National Operations Command Centre (SL-NOCC), oo ah xarun qaran oo istaraatiiji ah, looguna talagalay inay xoojiso isku-duwidda hay’adaha amniga, wadaagga xogta, maaraynta xaaladaha degdegga ah iyo awoodda qaranka ee ka jawaabista khataraha amni.
Dhinaca Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweeyey siyaasadda cusub, aragtida isbeddel iyo dib-u-habayn ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo dadaallada uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Guduhu ee lagu horumarinayo nidaamka amniga iyo awoodda hay’adaha qaranka.
Labada dhinac waxay si wadajir ah u adkeeyeen muhiimadda sii xoojinta iskaashiga amni ee Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la sii horumariyo wada-shaqaynta dhinacyada mudnaanta u leh amniga, xasilloonida iyo danaha istaraatiijiga ah ee labada dhinac.
Kulankani waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah iyo dhismaha nidaam amni oo casri ah, isku-dhafan, isla markaana awood u leh inuu ka jawaabo isbeddellada iyo khataraha amni ee gobolka.





