𝗖𝘂𝗾𝘂𝗯𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗫𝘂𝗸𝘂𝗺𝗮𝗱𝘂 𝗔𝘆 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗕𝗶𝘀𝗵𝗮 𝗥𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗮𝗻𝘆𝗮𝗿𝘁𝗮 𝘀𝗮𝘆𝗹𝗮𝗰

Saylac in ka badan labaatan meheradood oo iskugu jira tukaano iyo maqaaxiyo ayaa Albaabada loo laabay ka dib markii kastamkii ka guuray magaalada, kuwaas oo Nololmaalmeedkoogu ku xidhnaa gadiidka sida bagaashka lagu cashuuri jiray kastamka magaalada saylac, taaso ahayd isha dhaqaalee kaliya ee ku hadhay Saylac.
Faqriga iyo camal la’aantu waa dhibaato la mid ah colaada, dadku hadii ay wayaan meel ay u shaqo tagaan oo bariis caruurtooda uga helaan waa masiibo wayn oo dhibaatooyin kle laga dhaxli karo, horay waxa u xidhantay dikadii saylac oo inta badan dadka noloshoodu ku tiirsanayd sababo cashuurta dawlada oo qaali noqotay salka ku haysay, baddii iyo kaluumaysigii oo bulshada qaybtood ku tiitsanayd aya xidhantay sababo cashuur kordhin uun la xidhiidha, Maantana…..
Su’aalaha inta badan dadku is waydiinayaan ayaan ah, dawlada hoose iyo dawlada dhexe ee dakhliga cadadkiisa an la qiyaasi karin saylac kasoo galo miyay dhisi kari wayeen jidka yar ee boqolka mitir dhamayn ee gaadiidku uga mageen imaashaha Saylac?
Miyay maamulka dawlada hoose ee degmada Saylac oo gadiidka nuuc kasta haysta awoodi kari wayeen inay buuxiyaan intaa yar ee wadada ee nimcadu inaga nusqaamisay?
Hadiiba’e intaas oo dhan suurta gali waydey oo gadiidkeenii shaqayn wayeen, dakhligeeni jidkaa yar inoo hagaajin kari waayay oo madaxdeeni aynu dooranay maankoodu shaqaynaynin, Miyaa la waayay cid kle oo xal u keenta magaaladan horay looga bara kacay imikana intii ku hadhay sii qaxayso?
Hadii la rabo in uun wax la qabto jidka, oo la waayay dhaqaale iyo gaadiidkii dawlada, waxa la heli karaa nuuc kle oo loo mareeyo iyada oo laga faaidaysanayo gadiidka shirkadaha dad-waynaha iyo iskaashatooyinka, sida shirkada ciida gurta ee u iib gaysa jabuuti oo leh ku dhawaad labaatan iska rogo iyo cagafyo ah, iyo iskaashtada tawakal oo iyadna amar lagu siiyo inay ka qayb qataan buuxinta jidka.
Gudoomiyaha gobolka Salel mudane mawliid maxamed nuur inkasta oo sida la ii sheegay uu hawlo shaqo kaga maqanyahay magaalada hadana waa isaga qofkay haysataa ee laga rabaa in uu keeno xal lagu mareeyo dhibaatada taagan hada, mar hadii la waayay cid uga hoosaysa oo ka furata hawshan aan lagu sii daawan karin magaalada, Si aanay ganacsiga iyo dadka inta yar ee ku hadhay iyana meesha uga bixin
cali xajar
May be an image of 1 person, sitting and outdoors