10 Qodob oo Caddayn u ah Gabboose……

Iyadoo aan hordhac badan laga samayn, waa 10 xaqiiqo oo CAWRADA SIYAASADEED ee Gabboose dibedda usoo saaraya

1. Gabboose waxaa uu sheegay in uu qabiilkiisa urur u samaynayo, inta uu meesha ka saaro 2 Xisbi oo ay kusoo tabcayeen muddo dhan 22 sano, oo u dhiganta saddex dalool 2 dalool intii Somaliland jirtay. Laba xisbi oo haysta 70% baarlamaanka dalka iyo 80% maayorrada dalka, ayuu yidhi urur hadda yagleel ah baan ugu bedelayaa!

2. Wuxuu sheegay inoo sheegay in uu urur u hayo beeshiisa, kedibna uu rabo in uu xisbi qaran u gudbo, kedibna musharax madaxweyne noqdo, kedibna uu ku guulaysto madaxweynenimo! Haddana waxa uu beeshiisa oo laba Musharax leh ayaa loo adeegsanayaa oo uu rabaa in uu ka dhooqeeyo

3. Dhammaadka hadalkiisa waxa uu sheegay in ururkiisu yahay mid qaran, hadalkiisana waxa uu ku bilaabay reerkayga ayaan u diidayaa in ay bilaa xisbi noqdaan! Dhinaca kale, Gaboose waa siyaasiga laga hayo muuqaallo hurgumo iyo xiqdi qabyaaladeed ka buuxdo oo wajigiisa ciilka iyo cadhada saaran laga bismilaysanayo! Waa Geed-Ismaris indha’adayggii Mudug lasoo mutuxan!

4. Reerka uu sheegayo in uu urur u samaynayo, waa reerkii markii caruurtooda xabbadda lala dhacayey, hablahooda suuqa la jiidjiidayey, dhallintooda xabsiyada lagu aabudhayey, madaxdhaqameedkooda la xidhxidhayey aan xattaa ka daaya odhan, ee weliba ciidamada u tilmaamayey meelaha ay ku dhuumanayeen dhallinyartii bannaanbaxyada silmiga ah waday.

5. Reerka uu kasoo jeedaa waa markii taariikhda Somaliland ay ugu ee ay midnimo iyo wadajir hadaf siyaasadeed leh yeesheen. Waa markii ugu horaysay ee gaal iyo muslimba ka marag kacay in ay maanta tahay doorkoodii xaqna u leeyihiin. Waa markii ay ugu awood siyaasadeed badnaayeen iyagoo haysta in ka badan 30% xildhibaannada Qaranka (25/82), 3 Maayor oo caasimaddu ku jirto, laba kamida 3da xisbi qaran, 2 Musharax madaxweyne. Midnimadaa iyo wadajirkaa siyaasadeed waxaa ku tabcay oo soo dhisay ragga maanta loo adeegsanayo ee uu ka ciidee is leeyahay.

6. Xisbiga Waddani maanta waxa uu haystaa xulafo siyaasadeed oo ka ballaadhan hal reer oo ah midka uu sheeganayo. Hore waxaa markhaati looga yahay in reer kali ahi aanuu awoodin in uu is bixiyo. Xaqiiqdaa darted, ayuu Xisbiga Waddani noqday mid la wada leeyahay oo rag damac leh oo beelaha Somaliland kasoo jeedaa ku midoobeen. Ma jirto beel ka maqan Waddani. Gaboose wuxuu inna leeyahay urur aniga iga bilaabma iguna dhammaada ayaan 2 xisbi idiinku bedelayaa!

7. Tan iyo 1996kii ayuu siyaasadda kusoo jiray, weli tallaabo toolmoon oo uu xaqiijiyey lama hayo. 1997kii ayuu dhawr bilood noqday Wasiir. Waxa uu sameeyey Sahan oo dhacay 2002, Qaran buu sameeyey oo wasiirnimo dhawr bilooda ku bedeshay 2010, Ummadda ayuu sameeyey 2012 oo uu ku dhacay, maanta 2023 wuxuu wadaa Barwaaqo. Waxaa xusid mudan, 2002kii, 2010kii iyo 2012kii midna beesha uu sheeganayaa may taagnayn halka ay maanta joogto cudud iyo miisaan siyaasadeed. Muu jirin xisbiyo iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale oo isla haystay. May jirin 25 xildhibaan iyo kala badh Maayorrada caasimadaha gobollada.

9. Xaasidnimo ayaa halkaa dhigtay iyo caloosha oo uu ka buko iyo iimaandarro siyaasadeed.

10. Been iyo wacadfur ayuu ku caan baxay Gabboose. Sannadkii 2020 markii Karoonuhu helay ayuu caalamka u sheegay in uu siyaasadda ka baxay. Sannadkii 2012 markii uu dhacay waxa uu u hambalyeeyey xisbiga Waddani iyo Cirro oo uu wacad ku maray in uu dhinac istaago. Maantana waxa uu yidhi Musharax ma jiro! Sidee uu hoggaan u noqon karaa qof been iyo cahdi aan lahayn oo iska hor-iyo-dabo wareegaya?

Tobankaa qodob iyo kuwo kale oo tiro badani, waxay qaawinayaan cawrada siyaasadeed ee Gaboose. Qof intaa iyo in ka badan ku sifoobay uumiyaha dhammaantii wuu arkayaa in uu luggooyo u taagan yahay iyo dhalanteed aan dhaafsiisnayn xaasidnimadiisa.

Maxaad ku dari lahayd Cawrada Siyaasadeed ee Gaboose?