1,226 Macalin oo ku Meelgaadh ahaa ayaa Imtixaankii shaqaaleynta ku galay Hargeysa
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane , ayaa furay Imtixaankii Macallimiinta ku meel-gaadhka ahaa ee gobolka Maroodi jeex , waxaana u fadhiistay 1,226- oo Macallin.
Imtixaankan ayaa ahaa kii u dambeeyay ee laga qaado Macallimiinta ku meelgaadhka ah ee Wasaaradda waxbarashada JSL.
Wasiirka wasaaradda waxbaraashada Dr: Ahmed Aadan Buuxane , waxaa ku wehelinaayay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Khalid Jaamac Qodax iyo ku/xigeenka Abdilahi Faarax oo ay Weheliyaan Agaasimeyaasha guud ee waxbarashada Dr Abdirasaak Jaamac Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Khalid Mire.
Macallimiinta soo gudbi doona ayaa tiradoodu dhantahay ( 600 ) oo bare kuwaas si rasmi ah uga mid noqonaya Shaqaalaha Rasmiga ah ee dawladda JSL, Macalimiinta kale ee imtixaanka guulaystay balse kootada aan ku soo bixin ayaa noqonaya sugayaasha mudnaanta la siin doono marka ay timaad shaqaalaysiin kale.