Dhalinyarada Degmooyinka Gacmo Dheere iyo Ibraahim Koodbuur oo Kulan la yeeshay Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa(Qaran news)-Qaybo ka mid ah dhallinyarada degmooyinka Ibraahin Koodbuur iyo Gacmo Dheere ee magaalada Hargeysa ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI kulan kula qaatay masuuliyiin sarsare oo xisbiga ah.

Agaasimaha Xarunta Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Cartan, xoghayaha Xanaanada Xoolaha Dr Axmed Shukri, Xoghaye kuxigeenka Ciyaaraha Filsan Cabdiraxmaan, Xoghayaha Garabka Dhallinyarada Cabdiqaadir Jaylaani, guddoomiye kuxigeenka Garabka Haweenka Safiya Cumar iyo qaar ka mid ah madaxda degmooyinka ee xisbiga iyo masuuliyiin kale ayaa Xarunta Dhexe ku qaabilay dhallinyarada islamarkaana ku boorriyay in ay dardar geliyaan taageeradooda xisbiga.