Sharci yaqaan reer Somaliland ah oo Madaxweyne Muuse Biixi ugu Baaqay inuu ka taxadaro Heshiiska Itoobiya ee bada
Hargeysa(Qaran news)- Prof. Mubaarig Aar oo ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu ka noqdo heshiiska Badda ee uu la galay Itoobiya.
Mubaarig Aar oo u warramayay Telefishanka MM Tv ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi aanu isku furin albaab aanu garanayn wax kaga soo bixi kara.
“Badda adeegyo badan baa lagu qabtaa ma deked bay ka dhiganayaan? Ma dab bay ka dhsllinayaan ma ciidankooda uun baa degaya. Waxay u muuqataa iib ee ma aha kiro,” ayuu yidhi Mubaarig Aar.
Aqoon-yahanku wuxuu sheegay in aan aqoonsigu aanu Somaliland waxba kala maqnayn.
Mubaarig Aar wuxuu si adag ugu jawaabay dawladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dawladda Xasan Sheekh magaalada uu joogo aanu ka wada talin ee ay ka wada arrimiyaan labada dawladood.