Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa xukuumadda uga baaqay inay caddayso lacago madmadow ku jiro.
“October 2023 Shidaalka yimaadda Somaliland Foostadii waxa loo saaray Shirkadda Trafigura $3 Lacagtaasi Sannadkii waxay gaadhaysaa $6 Million, Furis Xisaab (Account) Bangi gaar ah waxa amray Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, waa maxay sababta lacagtaa loo bixinayaa ? Xukuumadda waa in ay caddayso ujeedka ? Lacagtan jid Sharci ah lama marin, Miisaaniyadda 2024 kuma jirto”