Kumuu ahaa sheekha Soomaaliya laga xusay ee hadda ka hor sabab u noqday furashada Falastiin?

Sawir hore

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Soomaaliya ka dhacay xuska Sheekh Cabdul Qaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee kusoo dadaalay faafinta Diinta, waxaana munaasabaddaas ka qeyb galay Raysul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Haddaba kumuu ahaa Cabdulqaadir Jeylaani?

Waxa uu ka mid ahaa culimada ugu magaca dheer ee soo maray bulshada Muslimiinta ah, meelo bandanna laga qaddariyo.

Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar ayaa goor sii horreysay BBC-da uga warramay taariikhda Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani.

“Sheekh Cabdulqaadir Al-Jeylaani waxa uu ka mid yahay magacyada had iyo jeer taariikhda Islaamka lagu soo qaado oo mar walba la hadal-hayo, waana Sheekha aasaasay dariiqada la yiraahdo Qaadiriya oo dariiqooyinka Duruqu Suufiya la yiraahdo kuwa ugu waaweyn ka mid ah,” ayuu yiri.

Masjid ku yaalla Masar

Waxa uu noolaa qarnigii shanaad ee taariikhda Hijriga.

“Taariikhdu markii ay ahayd 470 ayuu ku dhashay gobol la yiraahdo Jiilaan oo kaabiga ku haya badda Caspian aynu maanta u naqaanno, kutubta taariikhda Islaamkana lagu yiraahdo “Baxrul Khazar”, waxa uuna geeriyooday 561 taariikhda Hijriga, oo ku beegan 1166 taariikhda miilaadiga ah,” ayuu yiri Sheekh Dalmar.

Abtirka Sheekhan caanka ah waxa uu galayaa qoyska Nabi Muxammad (NNKH), waxa uuna noolaa dhowr qarni kaddib geeridii nabiga.

Sheekha waxaa lagu xusuustaa rabbeynta nafta, iyo inuu dadka ka soo jiiday waxyaabaha xumaanta ah, iyadoo ay ku soo xirmeen dad badan.

“Taariikh-yahannada Muslimiinta ah qaar badan baa waxay rumeysan yihiin tumashadaa la galay iyo is dhigashadaa la is dhigtay inay sabab u noqotay matalan Muslimiinta in laga qaado dhulkii barakeysnaa ee Qudus ee Falastiin oo ay qabsadeen niman Yurub ka soo jeeda,”

“Markii dambe dhowr iyo siddeetan sannadood kaddib markii dib looga qabsaday, ragga ka qabsaday waa kuwii qaatay cilmiyadii, wacdiyadii iyo tarbiyaddii uu ka tegay Sheekh jeylaani, sida ay rumeysan yihiin taariikh-yahannada qaar,” ayuu yiri.