Qoraa shaaciyey Magac loo bixiyey Guddi Xukumada Muuse Biixi ku mashquulsaneyd Bil oo ka dhex samaysay Beelaha Garxajis Qaarkood

Shalay waxa Hargeysa la ga abuuray guddi beesha Garxajis xukuumaddu u samaysay. Shaqo sahlan ma ahayn runtii. Maamulka waxa ka baxay fikir, wakhti iyo dhaqaale intaba. Muddo bil ah inta aan ka war qabo, ayaa hawshaasi socotay. Su’aasha halkan taalla ee u gu muhiimsani waxa ay tahay, gudigaasi maxay qabanayaan amma qaban karaan? Jawaabtu waa waxba. 00! Hadii ay sidaas tahay, muxuu Muuse isugu daaliyay ee wakhtiga iyo kharashka u gu bixiyay? Jawaabtu way fududahay, Muuse wax uu qabto ayaanu garanayn, markaa intaas buu ka dhiganayaa faro fiiq-fiiq. Waxa masiibo taagan ee Somaliland manta haysta, isaga kaman kale ayaa u daaran. Hebel is ka dhici, reer hebel dhex gal, Suldaan hebel mid kale ka garab samee iwm! 24 saacadood hawlahaas yaryar laakiin isaga la weyn buu ka fikiraa.
Al-muhim, laba xaqiiqo oo sheegid u baahan baa halkan ku jira – gudigaasi oo already loo bixiyay Guddi Baasto, in ay bilaa micno tahay, oo aanay wax samayn ah cidnaba ku lahayn, cimrigeedu na aanu bil gaadhayn. Iyo xaqiiqada kale oo ah, qofka Muuse iyo maamulkiisa doonaaya in uu aad u fahmo, halkan waxa ku jira halbeeg kale oo la gu cabbiri karo hab-fikirkooda iyo dabcigooda. Duf ku baxa dheh.