Waxa aan halkan ka beeninayaa war xalay laga sheegay xaflad uu qabsaday Cali Cabdilaahi Daahir oo uu ku shaaciyay in la nakala reebay oo uu isagu yahay musharax kali ah ee u sharaxan beeshayada.

Arinkaasi waa mid waxba kama jiraan ah isla markaasina been abuur ah.

Waxa aan dadka sharafta leh ee i taageersan u sheegayaa in aan ahay musharax u taagan golaha wakiiladda Somaliland gaar ahaan gobolka Maroodijeex.

Ma jirto meel aan ku tanaasulay iyo meel aanu ku tartanay toona Cali Cabdilaahi Daahir.

Waxa aan tixgalinayaa golaha Maxamed Ismaciil oo aan doonaayo in aan u noqdo musharax u tartami doona doorashada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex.

Wax aan ka fogaaday oo iska ilaaliyay in aan qabto xaflad shaacin ah in aan u sharaxanahay golaha wakiilda, aniga oo tix galinaaya beesha Maxamed Ismaciil oo aan ka hordhacaynin xaflada lagu midaysnaan doono.

Alle Mahad leh
Xamse Saxardiid Kaahin