Iiraan oo oggolaatay wadahadalka barnaamijka nuclear-ka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi ayaa xaqiijiyay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Tasnim News oo sheegaysa in dalkiisu uu wadahadallo la xidhiidha barnaamijkiisa nukliyeerka la yeelan doono saddex dal oo Yurub ah, Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska.

Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo aad ugu dhow ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan iyo hay’adaha ammaanka, ayaa Axaddii qortay, ka hor hadalka Mr. Araqchi: “Wadahadallada waa ay dhici doonaan, laakiin wada-tashi ayaa socda oo ku saabsan waqtiga iyo goobta wadahadalka.

Saacad ka dib, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa yidhi, “Waa lagama maarmaan in dalalka Yurub loo sheego mawqifyada Iiraan, dhab ahaantiina Iiraan way ka xoog badan tahay sidii hore oo ay u raadin lahayd xuquuqdeeda dagaalka kaddib.”

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee dalkaas oo soo xiganaysa Esmail Baghai, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa sheegay in Istanbul lagu wado in lagu qabto wada-hadallada 25-ka bishan July

bbcsomali