Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Faransiiska ayaa soo dhaweeyay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska ahna la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha booliska, Sareeye Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi (Dabogale) oo booqasho ku tagay shalay dalkaas.

Waxa Taliyihii hore ee Booliska ku qaabilay madaarka Paris Guddoomiyaha Jaaliyadda Faransiiska Maxamed Nuux Aadan, Sidiiq Cabdi Aadan oo baratakoolka Jananka qaabilsan iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Faransiiska.

Gen. Dabogale oo socdaalkiisa Faransiisku yahay mid shakhsi ah, waxa lagu wadaa muddada uu joogo dalkaas inuu ku dhiirigeliyo Jaaliyadda inay xoojiyaan midnimadooda isla markaana ka shaqeeyaan masaalixda iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

Jaaliyadda Magaalada Toulouse ayaa xalay xaflad casho sharaf ah ku maamuusay Taliyihii hore Booliska isla markaana ah la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Bileyska.

Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabogale waxa uu maanta booqday goobaha taariikhiga ah ee magaalada Paris. wuxuuna u mahadceliyay jaaliyadda Faransiiska oo uu kala kulmay soo dhaweyn ballaadhan.