




๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐ฅ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah la qaatay madaxda Hay’adda โadda UNICEF ee Qaramada Midoobay, Marwo Sandra Lattouf oo ay wehelinayeen masuuliyiin aqoon sare leh oo ka hawl-gala Xafiiska UNICEF ee Somaliland.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaadhin lahaa, loona tayeyn lahaa Mashaariicda Horumarineed iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay Hayโadda UNICEF ka fuliso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada, Biyaha. Caafimaadka iyo horumarinta carruurta.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada shaqayn hufan oo dhex marta Xukuumadda iyo Hayโadaha Caalamiga ah, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Mashaariicda laga hirgelinayo Somaliland ay noqdaan kuwo si toos ah u taabanaya baahiyaha dhabta ah ee bulshada JSL, isla markaana loo qorsheeyo si waafaqsan arrimaha mudnaanta u leh Qaranka JSL.
Iyaduna dhankeeda, Wakiilka UNICEF Marwo Sandra Lattouf ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqday kulankiisa, isla markaana ku bogaadisay hoggaamintiisa quman.
Intii lagu guda jiray kulanka, Wakiilka UNICEF waxa ay si cad u sheegtay in Hayโadda UNICEF ay tahay mid ay Somaliland ku kalsoonaan karto isuna hallayn karto. Waxa ay ka mahad celisay sida wanaagsan ee ay Hayโadaha Xukuumadda Somaliland ula shaqeeyaan Hayโadaha Caalamiga ah, waxana ay ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan taageerada dhinacyada horumarinta bulshada iyo daryeelka carruurta.
Wakiilka Hayโadda UNICEF waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqday in ka Hayโad ahaan ay si wadajir ah ula shaqaynayaan Hayโadaha Dowladda Somaliland, bulshada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay; si loo hubiyo in ilmo kasta oo carruur ahi uu adeeg tayo leh iyo mustaqbal ka wanaagsan.
Kulanka ayaa ku soo gabagaboobay isfaham iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqaynta.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





