Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka isu taga Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid ah martida sare ee la qorsheeyay inay ka hadlaan 30 bishan September kulanka guud ee dooda Afrika iyo Imaaraadka (The African Debate – UAE).
Ujeeddada shirkan ayaa la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhaqaale ee dowlada Imaaraadku la leedahay dalalka Afrika si loo abuuro maalgashi waara.
Sida ay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ka soo xigatay mareegta rasmiga ah ee shirkan, ayaa lagu sheegay in Imaaraadku kulankan caalamiga ah soo agaasimay isla markaana lagaga doodi doono maaliyadda, hal-abuurka dhijitaalka ah iyo maalgashiga istiraatiijiyadeed.
Warkan ayaa lagu caddeeyay in Wufuudda ka qaybgalaysa Doodda Afrika iyo Imaaraadku ay heli doonaan fursado ay si toos ah ula macaamilaan maalgashadeyaasha iyo hoggaamiyayaasha suuqa ee Afrika iyo Imaaraadka, si loo helo aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan mustaqbalka ganacsiga iyo maalgashiga Afrika iyo Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayay madashani sheegtay inuu ahmiyad siinayo sidii ay Somaliland u noqon lahayd qaran lagu aqoonsado guulaha uu gaadhay, iyo sida ay Somaliland kaalin ugu yeellanatso nabadda gobolka iyo ta caalamiga ah, waxaa kale oo madashu intaas ku dartay in Somaliland ay ka go’an tahay sidii ay u soo jiidan lahayd maalgashi istiraatiji ah oo lagu sameeyo khayraadka dihin ee arladeeda ceegaaga.
Arrimaha mudnaanta leh ee shirweynahan lagu falanqayn doono waxaa ka mid ah:
1. Sida loo xoojin karo xidhiidhka dhaqaale ee Afrika iyo Imaaraatka.
2. Sida loo samayn karo maalgelinta tamarta la cusboonaysiiyo.
3. Hababka wadaaga ah ee looga faa’iidaysan karo Kaabayaasha dhaqaalaha iyo saadka, sida dekedaha, gaadiidka, iyo isku xidhka suuqyada.
4. Sida horumarinta ICT iyo Isbeddelka dhijitalka ah.
5. Sida loo kobcin lahaa wax soosaarka cuntada.
6. Iyo sidii looga wada faa’iidaysan lahaa heshiiska ganacsiga ee ay wadaagaan Imaaraadka iyo dalalka Afrika.





