








๐๐ฎ๐บ๐ต๐๐๐ฟ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ถ๐๐ผ ๐๐๐-๐๐ฎ๐ด๐ด๐ฎ ๐๐บ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ป๐ฎ๐๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ถ๐๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฆ๐ต๐ฎ๐๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ต ๐๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐บ๐ถ ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐น๐ฎ๐ด๐ฎ ๐ต๐ถ๐ฟ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa soo gabagabeeyay wada hadallo muhiim ah oo ay kula jireen Shirkadda Shaybaadhka Wershadaha ee Imaaraadka Carabta, Emirates Industrial Laboratories (EILAB).
Dhanka kale, weftiga ka socday Imaaraadka oo toddobaadkii u danbeeyey ku sugnaa dalka,ayaa waxa hoggaaminaysay Maamulaha Guud ee EILAB, Marwo Nariman Abdulla Kamber Al Awadhi.
Shaybaadhkan macdanta ah ayaa noqon doona kii ugu horreeyay noociisa ee laga hirgeliyo guud ahaan Geeska Afrika, taas oo muujinaysa tallaabo horumarineed oo muhiim ah iyo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, una gogol xaadhaya horumar ballaadhan oo ku saabsan cilmi-baadhista iyo tayaynta adeegyada macdanta ee gobolka.





