
Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada (IATA), oo ah hay’adda matasha diyaaradahada adduunka ee in ka badan 350 xubnood oo ah 80% gaadiid ka hawada , waxa uu maamulaa IATA Travel Centre – oo ah xarunta loogu kalsooni badan yahay ee caalamiga ah ee macluumaadka socdaalka iyo shuruudaha fiisaha. Xaruntani waxa ay kaydkeeda ku caddeysay in rakaabka u socda Somaliland ay Fiiso ku Heli doonaan Markay Soo Gaadhaan Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Egal (Visa on Arrival).
Tani waa tallaabo weyn oo hore u socod ah, isla markaana ah horumar muuqda oo kor u qaadaya isku xidhka Somaliland iyo sumaddeeda caalamiga ah.






