Dawladda Somaliya oo jahawareer xoogan ka qaaday hadal haynta aqoonsiga Somaliland ee 24 saacadood ee ugu dambeeyay aad u xoogeysatay.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heegan galiyay golihiisa wasiirada iyo xubno ka mida safiiradiisa wadamada dibada kadib markii ay xoogeystay in Jamuuriyadda Somaliland aqoonsigeeda ay ku dhawaaqayaan laba wadan 48 saacadood ee soo socda gudahooda .
Arinta cajiibka ayaa noqotay in culayska ugu badan saaraan inay ogaadaan Magacyada wadamada ku dhawaaqaya aqoonsiga Somaliland , wadamada qaarkood oo xogtay heleyeen ku sheegeen inay yihiin kuwa ku dhawaaqaya aqoonsiga ayay xidhiidho la sameeyeen, halka qaarkoodna ay ku guuldareysteen inay deg deg ugaadhaan madaxdooda sare .
Madaxweyne Dr. Cirro ayaa si dublamaasiyadeysan u maamulay in aan la ogaan xogta iyo Magacyada wadamada diyaarka la ah inay Somaliland dal u aqoon sadaan ilaa maalintii uu shaaciyay in December lagu dhawaaqayo aqoonsiga Somaliland .
Madaxda Somaliya ayaa weli 5 dambe ee December ka baadhaya aqoonsiga Somaliland loo balan qaaday si la mida sida shacabka ay maamulaan iyo duniduba u sugayso.
Fiifa Media






