Warbixin caalami ah oo ay daabacday Africa Intelligence ayaa lagu sheegay in wejiga labaad ee iskaashiga u dhexeeya Israel iyo Somaliland uu hadda galay marxalad cusub
oo ka sii ballaadhan heshiiskii hore ee ku koobnaa aqoonsi rasmi ah, islamarkaana u gudbay xidhiidhka diploomasiyadeed ee aasaasiga ah. Waxa kale oo lagu sheegay in labadan dal ee saaxiibka ahi ay doonayaan in ay xidhiidhkooda u rogaan mid ficil ah, kaas oo ka kooban dhinacyada amniga, maalgelinta dhaqaalaha, iyo siyaasado kale oo istiraatiiji ah.
Africa Intelligence waxa ay si si qotodheer u falanqaysay muhiimadda siyaasadeed ee ku xeeran iskaashiga cusub ee u dhexeeya Israel iyo Somaliland iyo xoojinta xidhiidhadhada diblumaaasiyadeed, waxaanay tilmaantay in labada dal ay isla garteen in ay wada magacaabaan safiirro iyada oo safaaraddo rasmi ah laga furayo Hargeysa iyo Tel Aviv.
Warbixintu sidoo kale waxay muujisay in iskaashigan oo wejigiisi labaad si rasmi ah u bilaabmay uu ka dhigan yahay talaabo istiraatiiji ah oo ay Somaliland ka faa’iideysan karto dhinacyo badan oo u horseedaya horumar ballaadhan iyo guulo taariikhi ah, iyada oo labada waddan ay si toos ah u xaqiijiyeen wada-shaqayn dhab ah oo ku saabsan sida: maalgelin, shaqo abuur, horumar bulsho, iyo dhiirrigelinta dalal kale inay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland, ama ay la falgalaan qorshayaasha Israel ee gobolka.
Waxaa horeyba loo sheegay in khubaro sare oo Israeli ah ay sameeyeen dhowr qiimeynood oo hordhac ah, kuwaas oo la xidhiidha dhinacyada horumarka asaasiga ah, gaar ahaan dhinacyada biyaha, ka dib go’aankii taariikhiga ahaa ee dhacay dhammaadkii Disember 2025, kaas oo Israel ka dhigay dalkii ugu horreeyay ee Xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.
“Iskaashigan istiraatiijiga ah iyo heshiisyada diblumaasiyadeed waxay Somaliland u leeyihiin faa’iidayoon badan, guulo waaweyn iyo horumar ballaadhan oo dhinacyo badan leh. Waxaa la rajeynayaa in iskaashigani uu Somaliland u keeno maalgelin, shaqo abuur, iyo horumar bulsho. Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu dhiirrigelin doono dalal kale inay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland ama ay raacaan tallaabadan, isla markaana ay la falgalaan qorshayaasha Israel ee gobolka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta Africa Intelligence.
Hayaan






