๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 51-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhiga 51-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada qodobbada maanta lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:

1. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran, isaga oo sheegay in Gobollada Dalka oo dhan ay Xaaladda Abaarahu sii adkaynayaan maalinba maalinta ka dambaysa, waxana jira biyo iyo cunto laโ€™aan baahsan iyo calafka xoolaha oo aad u yar. Wasiirku waxa uu sheegay in Qaran ahaan loo baahan yahay in la galo Gurmad Qaran oo lagu taakulaynayo dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen. Wasiirku waxa uu sheegay in Guddi ahaan ay wadaan dedaal kasta oo lagu xaqiijinayo taakulaynta dadkeenna ay abaaruhu haleeleen.

2. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay dhan kastba.

Wasiirku waxa uu ka war bixiyey xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib. Wasiirku waxa uu adkeeyey baahida loo qabo xoojinta amniga gudaha iyo wada-shaqaynta Hayโ€™adaha Dawladda iyo shacabka, isaga oo ugu baaqay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland in ay si mideysan uga hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida Qaranka JSL.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ka war bixiyey hab-sami-u-socodka qaadashada kaadhka aqoonsiga muwaadinka, iyo qorshaha socda ee lagu diyaarinayo aqoonsi buuxa oo sugan iyo ciqaamad rasmi ah oo loo sameeyo dadka ajaanibka ah.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa isaguna dhankiisa hoosta ka xarriiqay in ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo amniga dalku uu yahay waajib Qaran oo cid walba saaran Xukuumad iyo shacabkaba, isaga oo Xubnaha Golaha Wasiirrada ku adkeeyey in ay si buuxda ula shaqeyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hayโ€™adaha kale ee u xil saaran Amniga Qaranka.

3. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkii 2025-kii uu ahaa mid taariikhi ah marka laga eego xagga korodhka Dakhliga, iyada oo Dakhliga 2025-kii soo xerooday uu 20% ka badan yahay marka la barbar dhigo Dakhligii dhabta ahaa ee soo xerooday sannadkii 2024-ka.

Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay dib-u-habayn weyn ku samaysay maamulka, wacyigelinta iyo hirgelinta Cashuuraha GST, iyada oo la xoojiyay kor-joogtaynta iyo kormeerrada Madaxda sare ee Wasaaradda ee goobaha Dakhliga.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu ay diyaarisay Qorshe iyo dedaallo dheeri ah oo lagu dardar-gelinayo sidii si dhab ah u soo bixi lahaa Dakhligii lagu Odorosay Miisaaniyadda 2026-ka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL waxa uu Golaha iyada oo laga duulayo Siyaasadda Cashuuraha ee kobcinta Dakhliga iyo la macaamilka hufan ee Cashuur bixiyaha ay Wasaaraddu diyaarisay qorsheyaal Qaran oo lagu sal-ballaadhinayo Cashuuraha waaweyn ee ay ka mid yihiin:

1. Cashuurta Macaashka Kirada,
2. Cashuurta Macaash-macaashka Ganacsiyada,
3. Cashuurta Macaashka Shaqaalaha,
4. Cashuurta Iibka iyo Adeegga.

4. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š, ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š:

Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Muuse Askar Guuleed.

Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga war bixiyey dedaallada ay Wasaaraddu ugu jirto wacyigelinta bulshada iyo xoojinta dareen-wadareedka waddaniyadeed, gaar ahaan marxaladda cusub ee uu dalku galay aqoonsigii Israaโ€™iil kaddib. Waxa uu xusay in Wasaaraddu ay si joogto ah ula socoto, una kor-joogtayso wararka togan iyo kuwa taban ee ay Warbaahinta Caalamku ka faafiyaan Qaranka JSL, si loo hubiyo in bulshada JSL gudaha iyo dibaddaba ay helaan xog sax ah oo sugan, isla markaana bulshada laga wacyigeliyo ololaha warbaahineed ee cadaaweysan ee lagu wiiqayo jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay abaabushay isla markaana ay hawl gelisay dhallinyaro reer Somaliland ah oo ku dhashay Waddammada Khaliijka Carabta oo aqoon sare leh, si ay door muuqda uga qaataan difaaca Qarannimada iyo Aqoonsiga JSL, si ay saamayn ugu yeeshaan fahamka qaddiyadda Somaliland ee bulshada carbeed ee dalalkaasi.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu soo saartay warbixinno kala duwan oo maqal iyo muuqaalba leh oo ku baxaya saddex af (Soomaali, Ingiriisi iyo Caranbi) kuwaasi oo si mug leh uga warbixinaya Sooyaalka Taariikheed, Madax bannaanida, Raad-raaca Qarannimada iyo Aqoonsiga
Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, barnaamijyadan waxa diiradda lagu saaray horumarka dhan walba leh ee ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda.

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ay door muhiim ah oo hoggaamineed ay kaga jirto faafinta, habaynta iyo gudbinta wararka iyo xogaha rasmiga ah ee la xidhiidha geeddi-socodka Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

5. ๐๐š๐›๐ฒ๐จ-๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐ฃ๐š๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐›๐ฒ๐จ-๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐š๐Ÿ๐ค๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ( ๐๐š๐ฒ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š 1-๐š๐š๐):

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed.

Wasiirka ayaa Golaha faahfaahin guud ka siiyey ujeeddada iyo nuxurka sharci ee Xeerkan taasi oo ah:

1. Hagaajinta iyo Horumarinta shaqada Maxiarrada dalka si ay ula jaan-qaadaan Maxiarrada Caalamiga ah; tayo ahaan, adeeg ahaan iyo shruuc ahaanba,

2. Kor u qaadista doorka Wasaaradda ee maamulka iyo kor-joogtaynta Maxiarrada dalka,

3. Sidii ay Wasaaraddu u xoojin lahayd una tayayn lahayd Dekedaha, Madaarrada iyo xuduudaha dalka ee ay Xoolaha nooli ka dhoofaan ama ka soo galaan.

Sidoo kale, Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu si kooban uga war bixiyey ujeeddada Siyaasadda Qaran ee Calafka Xoolaha taasi oo ah horumarinta wax-soo-saarka xoolaha iyo xaqiijinta isku fillaanshaha Calafka Xoolaha, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo maaraynta caqabadaha kala duwan ee haysta Xoolaheena, xag deegaan, xagga Isbeddelka Cimilada iyo baahida sii kordhaysa ee Calafka Xoolaha oo tayo leh.

Si looga doodo, loona ansixiyo Xeerkan iyo Siyaasaddan uu Wasiirku u soo gudbiyey Golaha, waxa uu Golaha Wasiirrada ka codsaday in ay soo akhriyaan, talo iyo tusaalena ka soo bixiyaan Xeerkan iyo Siyaasadda.

6. ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š (๐๐š๐ฒ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š 1-๐š๐š๐):

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ay si rasmi ah u dhammaystirtay 7 Siyaasadood iyo 2 Xeer.

SIYAASADAHA:

1. Siyaasadda Beeraha;
2. Siyaasadda Abuurka;
3. Siyaasadda Isticmaalka Sunta Beeraha;
4. Siyaasadda Iskaashatooyinka Beeraha;
5. Siyaasadda Sugnaanta Cuntada;
6. Siyaasadda Suuq-geynta Dalagga Beeraha;
7. Siyaasadda Fidinta Beeraha

XEERARKA:

1. Xeerka Abuurka Dalagyada Beeraha (Waa la ansixiyey);
2. Xeerka Isticmaalka Sunta Beeraha (Golaha Wasiirrada ayuu hor yaallaa);

Wasiirka Horumarinta Beeruhu waxa uu Golaha Wasiirrada ka codsaday in ay waajibaadkooda ka gutaan 7-da Siyaasadood iyo 2-da Xeer.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland