SHEEKADII JAAMAC GAABUUSH WAXAY KU SOO URURTAY WAXAYNU RABNAY.

Jaamac gaabuush waa siyaasi ruugcaddaa ah oo u maskaxfuran dariiqyada somaliland laga kaabi karo sida dhaqaalaha iyo raadinta aqoonsiga, jaamac wuxuu waddanka u galay abaalweyn oo ay taariikhdu qori doonto.

Jaamac dawladaha daneeya arrimaha Somaliland iyo soomaaliya wuxuu taageero miisaan iyo aqoona kagala hawlgalay madaxweynaha inaan dalka albaabadu u xidhmin dhaqaale la’aan taas oo ay ku guulaysteen markhaatigii waxa furay fahad yaasiin oo ku calaacalay wuu na khiyaameeyay cirro.

Jaamac kuwa eryanayay waa siyaasiyiin doonayay inay booskiisa galaan igagoon waxba innoogu fillayn, weli may hadhin haldiidaysaa geed ay ku xoqoto ma weydo maanta waxay yidhaahdeen madaxweynuhu keligii ayuu iska baxayaa ee waa inay cidi raacdaa sidaas awgeed waa inaad taageertaan qofka wax idin taraya.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.