Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda socdaalka ee Maraykanka ayaa la filayaa inuu ka baxo magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, arrintan oo laga yaabo inay wax ka beddesho Aqalka Cad, ka dib markii toddobaadkii hore ay saraakiisha federaalku toogasho ku dileen muwaadin labaad oo Maraykan ah.

Iyadoo Taliyaha Ilaalada Xudduudaha Gregory Bovino iyo qaar ka mid ah wakiillada socdaalka ay baxayaan, sarkaalka dhanka xadka Tom Homan wuxuu bilaabi doonaa inuu hoggaamiyo dadaallada dhulka ee magaalada Minnesota ka dib markii toogashadii Alex Pretti ee Sabtidii ay sii kordhisay xiisadda.

Go’aanka Madaxweyne Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu muujiyo xiisaha maamulka ee ah inuu dib ugu laabto tallaabo federaali ah oo gardarro badan oo ka dhan ah socdaalka ee waddanka oo dhan.

Inkastoo lagu dhawaaqay arrintan, haddana dabagalka dhanka online-ka ee beegsiga muhaajiriinta ayaa muujinaya in dadaalka maamulka uu wali sii socdo.

Bovino wuxuu ahaa wejiga hawlgalka markii Pretti—oo ahaa kalkaaliye haystay kamarad lagu arkay isagoo sawiraya saraakiisha—uuna la galay iska horimaad sababay in dhowr jeer lagu toogto waddo ku taal Minneapolis. Taliyaha ilaalada xudduudaha ayaa sii huriyay xaaladda ka dib toogashada, isagoo ku sheegay in Pretti uu damacsanaa inuu “xasuuqo” saraakiisha federaalka.

Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in saraakiishu ay u toogteen ninkaasi iyagoo is difaacaya ka dib markii Pretti, oo ay sheegeen inuu bastoolad haystay, uu ka horyimid isku dayo hubka looga dhigayay maalintii Sabtida. Marqaatiyaal, mas’uuliyiin maxalli ah iyo qoyska dhibbanaha ayaa su’aal geliyay sheegashadaas, iyagoo xusay in Pretti uu gacanta ku hayay taleefan, ee uusan wadan hub. Dhanka kale, waalidkiis ayaa ku eedeeyay maamulka inay fafinayaan “been laga yaqyaqsado” oo ku saabsan wixii dhacay.

Toogashada ka hor, Bovino wuxuu hormuud u ahaa habka adag ee maamulka Trump ee fulinta socdaalka ee dhowr magaalo, isagoo si firfircoon arrintaas uga hadli jiray baraha bulshada, si joogto ahna u duubi jiray weerarrada isagoo soo dhigi jiray muuqaallo xayeysiin ah oo muujinaya ficillada saraakiishiisa.

Homan

Xigashada Sawirka,Reuters

Qoraalka sawirka,Tom Homan

Homan ayaa u ololeeya fulinta adag ee socdaalka ee Trump. Laakiin sidoo kale khibrad ayuu u leeyahay doorkan—Homan wuxuu ka soo shaqeeyay socdaalka iyo mastaafurinta intii uu jiray maamulkii dimuqraaddiga ahaa ee Barack Obama.

Bbcsomali