Kongresska Mareykanka ayaa isku diyaarinaya usbuucan inuu u codeeyo qaraar qabyo ah oo xakameyn kara awoodda madaxweyne Donald Trump inuu sii wado howlgallada militari ee ka dhanka ah Iiraan isagoo aan ogolaansho cad ka helin sharci dajiyayaasha.
Arrintan ayaa ku soo beegantay maalmo kadib markii ciidamada Maraykanka oo ay wehliyaan kuwa Israa’iil ay duqeymo ka fuliyeen gudaha Iiraan. Maamulka Mareykanka ayaa sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay hanjabaad ku soo wajahan, halka qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ay u arkaan fal dagaal oo aan sharci dastuuri ah loo haysan.
Xuddunta murankan ayaa ah sharci soo jiray ilaa 1970-meeyadii oo loo yaqaan “Xeerka Awoodaha Dagaalka”.





