Trump ayaa hadalkiisa ku bilaabay isagoo ka hadlaya xaaladda Iran – isagoo ku celceliyay hadalkiisii ​​hore ee ahaa in Maraykanku si aad ah ugu wanagsan yahay hawlgalka Iran, iyo waxa uu aaminsan yahay inay tahay guulo wax ku ool ah oo hoos u dhigaya awoodda militari ee Iran.

Wuxuu sidoo kale xusay inuu aadi doono Dover, oo ku taal Delaware, siu u uga qeyb galo soo celinta askartii dhimatay.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio iyo xoghayaha dagaalka Pete Hegseth, iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo maamulka ka tirsan oo uu ku jiro xoghayihii amniga gudaha ee dhawaan xilka laga qaaday Kristi Noem.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa si weyn uga hadlay mowduuca, isaga oo ka hadlaya xulafadiisa Latin America iyo danaha ay wadaagaan, gaar ahaan la dagaalanka ka ganacsiga daroogada ee cirifka.

Bbcsomalia