Xooghayaha difaaca Maraykanka ayaa sheegay in maanta ay noqon doonto “maalintii ugu xoogga badnayd” ee weerarrada Maraykanka – iyadoo uu sheegayo in Iiran ay haysato gantaalo yar.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in ujeeddooyinka Hawlgalka Epic Fury ay weli yihiin isku mid:

Baabi’i keydka gantaallada Iran, qalabka lagu tuuro gantaallada, iyo warshadaha difaaca ee Iran

Baabi’i ciidamada badda ee Iran

Si joogto ah uga hor tag Iran ay hesho hubka nukliyeerka

Wuxuu ku celinayaa hadaladii hore ee Trump, isagoo sheegay in ay “cadowga si aan kala go’ lahayn u burburinayaan.” “Waxaan sidaas ku samaynaa jadwalkayaga, iyo doorashadayada,” ayuu yiri.

“Maanta mar kale waxay noqon doontaa maalintii ugu xoogga badnayd ee weerarrada gudaha Iran. Diyaaradihii dagaalka ugu badan, duqeymaha ugu badan, weerarradii ugu badan. Sirdoonka ayaa aad loo horumariyey, uguna fiican sidii hore.”

Hegseth wuxuu intaas ku daray in 24-kii saac ee la soo dhaafay, Iran ay ridey tirada ugu hooseysa ee gantaallada tan iyo bilowgii dagaalka.

Wasiirka difaaca Maraykanka ayaa ku bilaabay isagoo sheegay, inuu yahay askari hore, uuna dagaalka ka dhanka ah nidaamka Iran uu yahay mid si qoto dheer u taabanaya.

“Jiilkeennu wuu fahmayaa dagaalkan,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in sannado badan ciidamada Iiraan ay “dilayeen walaalaheen dagaalyahanka ah” iyagoo adeegsanaya “weerarro naxariis-darro ah.”

Wuxuu sheegay in nidaamka Iiraan uu ku dhaqaaqayo dhismaha bam nukliyeer, balse Madaxweynaha Donald Trump “ma ogolaan doono.”

Hegseth ayaa intaa ku daray in ciidamada Iiraan ay “si ula kac ah u beegsanayaan dadka aan waxba galabsan” sababtoo ah waxay ogyihiin in ciidamada Iiraan lafteeda ay “si nidaamsan u wiiqmayaan oo la baabi’inayo.”

“Iiraan way kaligeed taagan tahay, waxayna si xun u guuldarreysanayaan,” ayuu yiri.