Imaaraatka ‘’Waxaa nalagu soo weeraray sagaal gantaal iyo 35 diyaaradood’’
Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraatka ayaa sheegtay difaacyada cirka uu la tacaalay sagaal gantaal oo ballistic ah iyo 35 diyaaradood oo aan duuliye lahayn maanta.
Difaacyada cirka ee Imaaraatka ayaa qabtay sagaal gantaal oo balastik ah, iyaga oo burburiyay sideed kamid ah, uuna ku dhacay midka soo haray badda.
Sidoo kale waxaa la qabtay 35 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo 26 ka mid ah la qabtay lana soo riday, halka sagaal kalena ay ku dhaceen gudaha Imaaraadka.
Sida lagu sheegay qoraal ay Wasaaradda Gaashaandhigga ku daabacday barxadda X, tirada guud ee hubka Iiraan ee loo soo diray Imaaraadka ayaa gaartay 262 gantaal oo ballistic ah (241 ka mid ah waa la burburiyay) iyo 1,475 diyaaradood oo drone ah (1,385 ka mid ah waa la qabtay lana soo riday).
Weeraradan ayaa sababay lix dhimasho, waxaana dhibanayaashu ay kasoo kala jeedaan Imaaraatka, Pakistani, Nepalese iyo Bangladeshi.
“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay xaqiijinaysaa inay ku jirto heegan iyo diyaar-garow buuxa si ay ula tacaasho khatar kasta, ugana hortagto si adag wax kasta oo bartilmaameedsanaya xasilloonida amniga dalka, iyadoo hubinaysa ilaalinta madax-bannaanida, amniga iyo xasilloonida dalka, isla markaana ilaalinaysa danaha iyo awoodaha qaranka.”





