Gantaallo badan ayaa loo soo riday dhanka Israa’iil oo laga keenay Iran, warbixin dheeraad ah oo Telegram ka soo saartay IDF ayaa sheegtay.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarka, waxaana digniin taxaddar ah loo diray taleefoonnada gacanta ee meelaha ay khuseyso.
Telefishinka dowladda Iiraan ee IRIB, ayaa sidoo kale ku warramaya in mowjado cusub oo gantaallo ah ay billaabeen.
Geesta kale, wasaaradda difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay qabteen afar gantaal oo balistik ah iyo 25 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo laga soo riday Iran maanta.
Isku soo wada duuboo, difaaca cirka ee Imaaraadku waxa ay hadda qabteen 345 gantaalaha balistigga ah, 15 gantaalaha nooca cruise-ka ah, iyo 1,773 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah tan iyo “billowgii gardarrada cad ee Iran”, ayaa lagu yidhi qoraal la soo dhigay X.
Bbc Somali





