
Go’aankan ayaa yimid kaddib falanqayn qoto dheer oo lala yeeshay ganacsatada, taas oo lagu ogaaday in uu sare u kac weyn ku yimid qiimaha shidaalka dibadda laga soo dejiyo. Sida lagu heshiiyey, litir ka shidaalka ah ayaa laga dhigay 12,500 Shilin Somaliland ah, halka naaftadana lagu go’aamiyey 10,500 Shilin Somaliland.
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in go’aankan uu si toos ah uga tarjumayo duruufaha adag ee ka jira helitaanka shidaalka, isaga oo xusay in yaraanta shidaalka iyo qiimaha kordhay ay ka dhasheen xaalado caalami ah. Waxa uu intaas ku daray in qiimayaashan dib loo eegi doono toddobaad kasta, si waafaqsan isbeddelka suuqa.
Dhankooda, ganacsatada ayaa caddeeyey in qiimahan cusub lagu saleeyey kharashka dhabta ah ee ku baxaya soo dejinta shidaalka, gaar ahaan qiimaha foostada ee suuqyada caalamka oo si weyn u kacay. Waxay sheegeen in go’aankan uu yahay mid lagu ilaalinayo dheelitirka u dhexeeya danta shacabka iyo sii socoshada ganacsiga.
Kororka qiimaha shidaalka ayaa si dhow ula xidhiidha xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaallada iyo khilaafaadka ka dhex aloosan dalalka waaweyn ee soo saara shidaalka. Xiisadahani waxay carqaladeeyeen sahaydii shidaalka iyo wax-soo-saarkii, taas oo keentay in qiimaha saliidda qaydhiin ee caalamka uu sare u kaco.
Sidoo kale, khilaafaadka ka jira gobolkaasi waxay sare u qaadeen walaaca laga qabo amniga marinnada muhiimka ah ee shidaalka lagu kala gudbiyo, sida marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormoz. Arrintani waxay si gaar ah u saameysay waddamada ku tiirsan shidaalka dibadda laga keeno.
Ugu dambayn, xukuumadda iyo ganacsatadu waxay sheegeen inay si wadajir ah ula socon doonaan xaaladda, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xasilinayo suuqa, iyaga oo tixgelinaya duruufaha nololeed ee





