BUSASKII LAGU SAFRI JIRAY BURCO -HARGEYSA SANNADADII 1968 -1983′ INTAAN OGAA .
Wuxuu ahaa socod dhow haba ahaatee bilaa laami
Wuxuu Soo Mari jiray
1-xaqayo malaas
2-kala dhacda
3-go
4-bender wanaag
Waxaa cajiiba wakhtigan lama Mari jirin dhinaca buurta baabuur adhi sida mooyaane waayo waxay ahayd khatar aan cidi malaysan Karin oo waxaa shacabku Mari jireen dariiqan waa dariiqii yaabka badnaa ee ingiriisku dhisay
Waxaa is bedeli jiray laba bas oo uu lahaa sida taariikhdu qorayso Abu site.dadku waxay mabsuud ku ahaayeen baabuurta oo waxay ahaayeen inay Soo socdaan saacado aan sidaa u badnayn.
Waxaa qadadu ahayd huteel cunto macaan oo xilligaa caan baxay oo ku yaal goda .
Kaasoo ay dadku, ku nasan jireen geedo waaweyn oo Halkaa ku yaal ka dibna uu ka tegi jiray waana markaa oo keliya ayuu istaagi jiray haddii aan wax lama filaani ku iman
Xusuus gaara
Baskani wuxuu qaadi jiray filimada shineemaha burco lagu daawado oo uu hargeysa ka qaadi jiray .
GUNAANAD
MA KU SAFARTAY BASASKAN MISE
WAA WAKHTIGA IYO WAAYAHA IS BEDELAY
LAAMIGA BEBERA MA JIRIN EE WAA 1975.IYO SHIRKADDII LUBNAANIGA.
Qoraa Osman Salah Farah.





