Isku Shaandhaynta Golaha Wasiirrada iyo Rejada Shacabka Somaliland ee Horumarinta Adeegyada Bulshada

“Madaxweynaha JSL oo Magacaabis, Xil-ka Qaadis & Iskushaandhayn ku Sameeyay Qaar ka mida Golaha Wasiirrada JSL”

“Madaxweynaha Somailand oo Magacaabay La-taliye Sare oo Arrimaha Dibadda ah”

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo saaray digreeto rasmi ah oo uu ku sameeyey magacaabis, xil-ka-qaadis iyo isku-shaandhayn lagu sameeyey qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland. Digreetada Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay wasiirro cusub, iyadoo sidoo kale isku-shaandhayn lagu sameeyey qaar ka mid ah wasiir ku-xigeennada wasaaradaha qaranka.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay la-taliye sare oo u qaabilsan arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyo xubin cusub oo ka mid noqon doonta guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka. Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in isbeddelladani ay qayb ka yihiin dib-u-habayn ballaadhan oo lagu xoojinayo waxqabadka xukuumadda iyo hufnaanta shaqada hay’adaha dawladda kuwaas oo diirrada lagu saarayo dardargelinta hawlaha horumarineed iyo hagaajinta adeegyada ay xukuumaddu siiso bulshada, iyada oo la tixgelinayo baahiyaha jira iyo duruufaha siyaasadeed ee dalka.

Go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee ku saabsan magacaabista, xil-ka-qaadista iyo isku-shaandhaynta lagu sameeyey Golaha Wasiirrada, taas oo muujinaysa jihada cusub ee hoggaaminta dalka iyo dadaalka lagu xoojinayo waxqabadka xukuumadda. Dib-u-habayntan ayaa xambaarsan fariin cad oo ku wajahan hufnaan, isla-xisaabtan iyo tayeynta hay’adaha dawladda, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka qaran.

Magacaabistan cusub waxay fursad siinayaan in la helo hoggaan cusub oo leh aragti iyo karti wax ku ool ah, isla markaana la jaanqaadi kara isbeddellada siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee dalka. Dhanka kale, magacaabista la-taliye sare waxay xoojinaysaa muhiimadda diblomaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Isbeddelladani waxay noqon karaan kuwo kor u qaada kalsoonida shacabka isla markaana dardargeliya horumarinta hay’adaha qaranka.

Magacaabista Wasiirrada Cusub

Madaxweynaha ayaa magacaabay wasiirro cusub oo kala ah: Mudane 1. Barkhad Batuun, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda. 2. Mudane Aadan Geedi Qayaad, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 3. Mudane Maxamed Cabdi Maalik, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo 4. Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Isku-shaandhaynta Wasiir Ku-xigeennada

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sameeyey isku-shaandhayn lagu sameeyey qaar ka mid ah Wasiir Ku-xigeennada, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1. Mukhtaar Xaaji Muxummed Faarax – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 2. Eng. Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. 3. Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaaydh) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska. Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha. 5. Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahi – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 6. Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo 7. Eng. Maaliki Cabdi Xasan Xirsi – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Magacaabista La-taliye Sare

Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayaa loo magacaabay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, isagoo door muhiim ah ka qaadan doona hagidda siyaasadda arrimaha dibedda.

Magacaabista Xubin Guddi Qaran

Sidoo kale, Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, oo ah hay’ad muhiim u ah nidaamka dimuqraadiyadda iyo axsaabta dalka.

Gunaanad

Isbeddelladan cusub waxay muujinayaan dadaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee ku aaddan dib-u-habaynta xukuumadda, si loo xaqiijiyo adeeg hufan oo gaadha bulshada, isla markaana loo helo maamul karti iyo waayo-aragnimo leh. Xukuumaddu waxay bulshada u xaqiijinaysaa in isbeddelladani ay horseedi doonaan horumar muuqda iyo adeegyo tayo leh oo loo qabto shacabka Somaliland.