Madaxweyne Cirro ma aha Caaqil reer ama Suldaan qabiil hebel…..

Xiligii ololaha bari ilaa galbeed HY. Cirro waxa ay ku garab taagnayd in uu kursiga ku fadhiisto oo qudhaata, taasna waa lagu guulaystay, inkasta oo ay jireen HY. La socotay xisbiyada kale oo ay xaq u lahaayeen waxa la ogyahay oo maantaba jira rag iyo dumar mucaarid ah oo ah isku deegaan ka soo jeedaan madaxweynaha oo markii horena ka codeeyay Cirro taas marna muu dhibsan.
Maanta Cirro waa madaxweyne qaran oo u dhaartay mucaarid iyo muxaafid intaba, maanta madaxweyne Cirro ma aha Caaqil, Suldaan iyo oday reer midna qofkasta oo cod siiyay ma aha macnaheedu in uu shaqsiyan in uu wax u qabto ama la yahay qaraabo oo wax la siiyo.
Madaxweyne Cirro waxa uu umadda Somaliland oo dhan u keenay aqoonsi waxa uu soo wadaa wax weyn waxana uu u shaqaynayaa qaranka oo dhan waxa aan hubaa in wax qabadkiisu uu soo gali doono guti kasta oo ka mid ah aqalada Somaliland miyi iyo magaalaba.
Madaxwyen Cirro ma aha madaxweyne reer maanta, qof kasta waxa aan ka codsanyaa in aanu ku hadal, hadal deel qaaf ah oo bari kugu soo laabnaaya dadka sida qaldan u adeegsanaaya Social Media- fadlan iska hubiya inta aanu hadalku kaa dhicin, hadalku inta uu afkaaga ku jiro ayuu amàandaada yahay.
Anigu waxa aan ka mid ahaa dadka ay isku deegaanka ka soo jeedaan gaar ahaan gobolka Maroodijeex, Sanaag, Saaxil, Togdheer, Sool. Intaas oo goobood oo reerku wax ka degaba madaxweyne Cirro uu la hadlay dadkaasi waxa uu weydiistay in ay codkooda siiyaan sida uu deegaan kasta oo reer Somaliland ahba uu codkaa u weydiisanaayay waxana uu xiliyadaasi uu goob kasta ka sheegi jiray in uu ogyahay in ay jiraan xisbiyo qaran oo kale oo ay kala aragti siyaasadeed yihiin taasna uu tix galinaayo cidii reerkiisa ah u codaysa xisbiyada kale xaq ayay u leeyihiin waanan soo dhawaynayaa in dalkeena ay ka dilaacdo dumuquraadiyadi
Madaxweynene Cirro waxa doortay dhamaan beelaha dega dalkeena Somaliland bari ilaa galbeed.
Hadal iyo dhamaantii dadku waa in ay fahmaan dawladnimada oo ay tixgaliyaan dastuurka dalka





