
Madaxda dhaqanka iyo odayasha deegaanka Fiqi Aadan ee gobolka Selel yaa shaaciyay inay nabad diyaar u yihiin.
Waxana ay shegeen inay dhankooda xukuumada kala shaqaynayn sugida amniga iyo nabad galyada gobolka.
Wafti ka socaday xukuumada oo uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ku sugan deegaankaasi ayaa madaxda dhaqanka iyo odayasha deeganka uga mahad celiyay talabadan ay qaadeen.






