
Arbacadii, horaantii Maarso, safaaradda Iran ee ku taalla South Africa ayaa ku qortay barta X:
“Iiraan iyo Cuman oo keliya ayaa go’aamin doona mustaqbalka marinka Hormuz.”
Inta badan dalalka xubnaha ka ah goalaha iskaashiga Khaliijlka ayaa qaatay mowqif adag oo ka dhan ah Iiraan ka dib dagaalka ay Mareykanka iyo Israel la galeen Iiraan, balse Cuman ayaa noqotay mid ka reeban.
Dalkan, oo muddo dheer door dhexdhexaadin ah ka ciyaarayay una dhexeeya Mareykanka iyo Iran, ayaa sii wada dhexdhexaadnimadiisa xitaa inta uu socdo dagaalku.
Halka dalalka kale ee xubnaha ka ah golaha iskaashiga Khaliijka carabta ay qaateen mowqif adag oo hanjabaad leh oo ka dhan ah Iran, Cuman waxay ku dheggan tahay siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ah “la saaxiib dhammaan, cadowna ha yeelan.”
Mowqifkan ayaa sababay in Cuman noqoto dalka ku yaalla Khaliijka ee ugu codka dheer ee dhaleeceeya ololaha ay wadaan Mareykanka iyo Israel, iyadoo ku tilmaantay “dagaal sharci-darro ah” isla markaana ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo.
Sidoo kale, Cuman ayaa noqotay dalka kaliya ee ka tirsan golaha iskaashiga Khaliijka ee si cad u sheegay inuusan ka qayb qaadan doonin dagaalka.
Sababtan awgeed, Cumaan ayaa weli ah xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ugu dambeeya ee lagu kalsoonaan karo ee gobolka Khaliijka si ay xabbad-joojin ula gaaraan Iran.





