Madaxweynaha Maraykanka oo bixiyay amar lagu tooganayo doomaha miinooyinka dhiga Hormuz

Donald Trump ayaa sheegay inuu amar ku siiyay Ciidanka Badda ee Maraykanka inay rasaas ku furaan doon kasta oo miinooyin dhigaysa marinka Hormuz.

“Waxaan amar ku siiyay Ciidanka Badda ee Maraykanka inay toogtaan oo dilaan doon kasta, xitaa haddii ay miinooyin dhigayaan biyaha marinka Hormuz,” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisaTruth Social.

“Waa in aanay jirin wax laba-labeyn ah.”

Wuxuu intaas ku daray in maraakiibta Maraykanka ee miino-saarista) ay “hadda” nadiifinayaan marinka.