Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay ciidamada Israa’iil ku lahaayeen beeraleyda lagu muransan yahay ee Shebaa, iyagoo sheegay in ay si wadajir ah u garab taaganyihiin shacabka Falastiin kadib weerarkii aan hore loo arag oo Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil.
Xilligaasi Israa’iil ayaa ku jawaabtay madaafiic ay ku garaacday koonfurta Lubnaan. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Iyada oo ay taageerto Iran, kooxda shiicada ah ayaa ka soo dhex baxday koox la aasaasay intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Lubnaan ee 1975-kii illaa 1990-kii, waxayna noqdeen ciidan aad u hubaysan oo awood weyn ku leh dowladda Lubnaan. Dowlado uu Maraykanku kamid yahay ayaa waxay u arkaan urur argagixiso.
Qoraal uu daabacay waregeys Israa’iili ah ayaa xaalad walaac leh ku tilmaamay xiisadda sii siyaasedysa ee uruka Xizbullah iyo Israa’iil oo dagaalo laxaad leh ay horay u dhexmareen.
Asalka kooxda
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa aas aasay Ururka Xisbullah sanadkii 1982-kii, si ay u dhoofiyaan Kacaankeeda Islaamiga ah ayna ula dagaallamaan ciidamada Israa’iill ee duullaanka ku soo qaaday Lubnaan.
Source bbcsomali





