
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah loo soo afjaray xaaladdii nabadgelyo ee ka jirtay gobollada Awdal iyo Selel, kadib dedaallo wadajir ah oo ay sameeyeen xukuumadda, shacabka iyo bahda dhaqanka Somaliland oo ah tiir muhiim ah oo muddo dheer u taagan ilaalinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka ka dhex dhaca guud ahaan bulshada Somaliland..
Wasiir Cabdalle Maxamed Carab, oo shalay u waramay Telefeeshanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tilmaamay in guushan ay timid ka dib iskaashi ballaadhan iyo doorka muuqda ee ay bulshada iyo odayaasha dhaqanku ka qaateen xallinta khilaafaadka, taas oo horseeday in nabaddii si guul leh loo soo xidho. Isla markaana xukuumadda ay si gaar ah u qaaday mas’uuliyadda ilaalinta iyo dhowrista nabadda.
Guusha xalinta khilaafaadka iyo xidhidda nabadgelyada Awdal iyo Selel waxay tusaale u tahay sida awoodda bulshada ee dhaqanka iyo iskaashiga dowliga ah ee Somalialnd ay kaalin muhiim ah uga qaataan xalinta khilaafaadka iyo ilaalinta nabadda. Tani waxay sidoo kale muujinaysaa in xalinta xaaladaha adag ee nabadgelyo ay ka dhalan karto ifafaale wanaagsan haddii ay jiraan hoggaamiyeyaal iyo bulsho si wadajir ah ugu howlan nabadgelyada iyo horumarka.
Marka laga soo tago guushan nabadgelyo ee ka dhacday Awdal iyo Selel, waxa ay tahay tallaabo muhiim ah oo ku saabsan in bulshada Somaliland ay si wadajir ah masuuliyad isaga saarto xoojinta xasiloonida iyo horumarka dalkooda. Taas oo ah tusaale cad uu dunida u muujinaya isku xidhnaanta xukuumadda, bulshada, bahda dhaqanka iyo hay’adaha dowliga ahi, kuwaaas oo dedaalkoodu suurogeliyay in guulaha nabadgelyo iyo horumar Somaliland noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee taariikhdeeda.





