
Labo nin oo Yahuud ah ayaa lagu tooriyeeyay deegaanka Golders Green ee waqooyiga magaalada London, waxaana falkan ay boolisku ku tilmaameen mid argagaxiso.
Raggan oo magacyadooda lagu kala sheegay Shilome Rand, 34 jir ah, iyo Moshe Shine, oo 76 jir ah, ayaa lagu daweeyay goobta, xaaladdooduna hadda way wanaagsan tahay ayagoo isbitaalka ku jira, sida uu sheegay Booliska.
Nin 45 jir ah oo haysta dhalashada Britain, kuna dhashay Soomaaliya, ayay booliisku ku rideen aaladda Tas er-ka si ay u qabtaan ka hor inta aan la xirin isaga oo looga shakisan yahay isku day dil, sida ay ciidamadu sheegeen. Eedeysanaha ayaa hadda xiran.
Raiisel wasaare Sir Keir Starmer ayaa sheegay in “weerarkaas Yuhuud naceybka” oo ah kii ugu dambeeyay ee xariga UK – uu ahaa “mid aad looga naxo”, isaga oo intaa raaciyay: “Weerarada ka dhanka ah bulshadeenna Yuhuuda waa weeraro ka dhan ah Britain”.
Booliska ayaa sheegay in saraakiishooda ay jawaabeen 11:16 xilliga Ingiriiska Arbacadii ka dib markii ay heleen warbixino sheegaya in dadka lagu tooriyeeyay Highfield Avenue, taasoo ka baxsan Golders Green Road.
Tuhmanaha ayaa sidoo kale isku dayay in uu tooriyeeyo saraakiishii ka qeybgashay qabashadiisa, sida uu booliska sheegay, laakiin midna ma dhaawacmin.
Fiidiyow lagu wadaagay baraha bulshada ayaa u muuqda mid muujinaya xilliga la xiray. Laba askari ayaa la arkayay ayagoo u soo dhawaaday ninka ka hor inta uusan mid Taser ku ridin.
Ninkan ayaa u muuqda in uu shay af badan laabta ku qabsaday labada gacmood, waxaana saraakiisha iyo dad goob joog ahaa ay damceen in ay ka qaadaan. Waxaa la arkayaa askarta oo ninkan dhowr jeer madaxa ka laadayey.
Booliiska ayaa la wacay 08:50 xilliga Ingiriiska ee talaadadii ciwaanka ku yaal wadada Great Dover Street ee Southwark, ka dib markii tuhmanaha la sheegay in uu ku lug lahaa gacan ka hadal uu la galay qofka guriga deggan.

Xigashada Sawirka,Reuters
Ninkan ayaa u muuqda in uu shay af badan laabta ku qabsaday labada gacmood, waxaana saraakiisha iyo dad goob joog ahaa ay damceen in ay ka qaadaan. Waxaa la arkayaa askarta oo ninkan dhowr jeer madaxa ka laadayey.
Booliska ayaa sii daayey muuqaalka dhacdadan oo laga soo qaaday kamaradaha jirkooda ku xiran, kuwaas oo la maqlayo iyagoo ku qeylinaya si isdaba joog ah oo ay ugu baaqayaan tuhmanaha inuu “dhulka dhabbacdo” ka hor inta aan Taser lagu ridin, ka dibna uusan “Middida tuurin”.
“Eedeysanaha waa uu diiday in uu gacmahiisa tuso, waxa uu ahaa mid rabshad badan, waxa uuna sii waday khatar cad” ayey yiraahdeen ciidanka oo intaa ku daray in tuhmanaha uu sii watay isku daygii uu ku doonayay in uu ku weeraro oo uu tooriyeeyo askarta markii ay gacanta ku soo dhigeen.
Taliyaha Booliska Sir Mark Rowley ayaa ammaanay geesinimada askarta, isagoo yiri: “Kuwaani ma aysan ahayn saraakiil hubeysan, waxayna ka baqeen inuu sito walxaha qarxa”.
Tuhmanuhu waxa uu lahaa taariikh rabshado halis ah iyo arrimo caafimaadka maskaxda ah, ayuu ku daray hadal uu ka jeediyay goobta galabnimadii Arbacada.
Booliska ayaa markii dambe sheegay in saraakiishu ay baaritaan ka wadeen ciwaan ku yaal koonfurta bari ee London. Dembi-baarayaasha ayaa rumeysan in isla eedeysanaha uu ku lug lahaa dhacdo hore oo aaggaas ka dhacday.
Booliiska ayaa la wacay 08:50 xilliga Ingiriiska ee talaadadii ciwaanka ku yaal wadada Great Dover Street ee Southwark, ka dib markii tuhmanaha la sheegay in uu ku lug lahaa gacan ka hadal uu la galay qofka guriga deggan.
Ben Grossnass, oo ah isku-duwaha hay’adda samafalka, ayaa BBC u sheegay in mutadawiciintu “ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee goobta gaara”.
“Tani waa in ay noqotaa xilli u baahan waxqabad macno leh oo ka yimaada hay’ad kasta, bulsho kasta, hoggaamiye kasta iyo qof kasta oo hufan oo waddankeena ah,” ayuu yiri.
War qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in “aanay ku filneyn in laga hortago dhibaatadan” weerarrada London.
Weerarkii Arbacada ayaa yimid ka dib markii ay dhaceen dhacdooyin isdaba joog ah bilihii la soo dhaafay oo lala beegsaday bulshooyinka Yuhuuda. Ilaa lix weerar ayaa la diwaan geliyey tan iyo horraantii Oktoobar ee sannadkii hore.
Duqa magaalada London Sir Sadiq Khan ayaa sheegay inuu “ka carooday oo ka naxay ” in dadka Yuhuudda ah ay “noloshooda ku nool yihiin cabsi”.
Boqor Charles III ayaa isna “ka walaacsanaa” weerarka Arbacadii, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qasriga Buckingham.
Mar la weydiiyay in dowladdu ay wax ku filan ka sameyneyso ilaalinta Yuhuudda Ingiriiska, Sir Keir wuxuu sheegay inuu doonayo “inuu eego ammaanka la xoojiyay” oo uu kordhiyo maalgelinta horay loogu yaboohay ilaalinta bulshooyinka Yuhuudda.
Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa yimid kadib markii uu shir guddoomiyay shir degdeg ah oo looga hadlayay weerarka.
Hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka Kemi Badenoch ayaa sheegtay in hadda ay jirto “cudud ka dhan ah dadka Yuhuudda ah” oo noqotay “xaalad degdeg ah oo qaran”.
Hogaamiyaha isbadal doonka UK Nigel Farage ayaa isna sheegay in weerarku uu ahaa “wax laga naxo”.
Hogaamiyaha xisbiga Liberal Democrats Sir Ed Davey ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay mid laga naxo wuxuuna ugu baaqay dowlada inay ka hortagto naceybka meel kasta oo uu ka muuqdo.
Zack Polanski, oo ah hogaamiyaha xisbiga Green Party ayaa weerarka ku tilmaamay mid aad looga naxo, waxa uuna sheegay in uu niyadda ku hayo dhibanayaasha, qoysaskooda iyo cid kasta oo weerarka uu gilgilay.
Source bbc somali





