
Dadweynaha waa in ay ahaadaan kuwo “feejigan oo digtoon” balse aan “cabsoon” ka dib markii kor loo qaaday heerka khatarta argagixiso ee dalka UK, sida uu sheegay wasiirka amniga.
Heerka khatarta UK ayaa kor loo qaaday ilaa “mid halis ah ” illaa “mid daran ” maalintii Khamiista markii ugu horreysay muddo afar sano ka badan ah, taas oo timid ka dib markii la tooriyeeyay laba nin oo Yuhuud ah oo ku sugnaa Golders Green, waqooyiga London, maalintii Arbacada.
Dan Jarvis ayaa sheegay in kororka heerka khatarta uusan ahayn “mid ka dhashay weerarkaas oo keliya”, balse ay “sidoo kale sababtay kororka guud ee khataraha Islaamiyiinta iyo kuwa xagjirka midigta fog”.
Weerarka tooreyda loo adeegsaday oo booliska Metropolitan ay ku tilmaameen fal argagixiso, ayaa ah tii ugu dambeysay ee dhacdooyin isdaba-joog ah oo lala beegsanayay bulshada Yuhuudda ee UK.
Heerka khatarta “daran” ayaa la macno ah in weerar argagixiso loo arko mid aad u suurtogal ah lixda bilood ee soo socota.
Bbcsomali





