Warbaahinta AfriNews 24 oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed oo kala duwan ayaa muujinaysa isbeddel weyn oo ku soo fool leh maqaamka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sida lagu xusay xogtan, laba waddan ayaa qorsheynaya inay aqoonsi buuxa siiyaan Somaliland bisha May, taasoo noqonaysa guul weyn oo dhinaca diblomaasiyadda ah.

Warbixintu waxay sheegtay in labada dal ee qorsheynaya aqoonsiga Somaliland bisha May ay yihiin waddmo miisaan culus ku leh arrimaha diblomaasiyadda. Mid ka mid ah dalalkan ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay Midowga Yurub, halka waddanka labaad uu yahay dal Afrikaan ah. Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid la xidhiidha iskaashiga cusub ee dhexmaray Israa’iil iyo Somaliland, taasoo ku lug leh xidhiidho siyaasadeed iyo dhaqaale oo sii xoogeysanaya.

Sidoo kale, warbixinta oo uu turjumay ๐–๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐š๐ง, ayaa xustay in masโ€™uuliyiinta saddexda dal ee ku lugta leh wada-hadallada aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ay horey u gaadheen heshiisyo rasmi ah, oo la xidhiidha arrintaas, isla markaana ay hadda goโ€™aaminayaan waqtiga rasmiga ah ee ku dhawaaqista wadajirka ah ee aqoonsiga Somaliland.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in arrintan ay la xidhiidho socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Safarkan, oo aan hore loo shaacin, isla markaana aan faahfaahin rasmi ah laga soo saarin, ayaa laga soo xigtay ilaha AfriNews 24 inuu qayb ka yahay dedaalada diblomaasiyadeed ee socda kuwaas oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.