Warbixin caalami ah oo ay baahisay Horn & Red Sea News ayaa iftiimisay sababaha dhabta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo jiidanayso dareenka beesha caalamka. Warbixintan oo uu soo turjumay Wargeyska Dawan, ayaa sidoo kale soo bandhigtay miisaanka siyaasadeed, dhaqaale, iyo saamaynta cusub ee Somaliland ku yeelatay loolanka juquraafi-siyaasadeedka (geopolitics) caalamka.
Warbixintu waxay xustay in goobta (geography) ay Somaliland ku taallo iyo doorka ay ka ciyaareyso saadka iyo amniga caalamiga ah, ay ka dhigeen mid aan la iska indho-tiri karin. Waxay sidoo kale la tilmaamay in aqoonsigu aanu hadda ahayn kaliya halbeegga lagu cabbiro muhiimadda dal, balse muhiimadda dhabta ah ay tahay doorka uu ka ciyaaro nidaamka guud ee saadka, amniga, iyo juquraafiyadda caalamiga ah.
Falanqaynta Horn & Red Sea News waxay tilmaamaysaa isbeddel weyn oo dhanka khariidadaha ah, iyadoo laga duulayo farqiga u dhexeeya khariidadaha rasmiga ah ee diblomaasiyadda iyo kuwa lagu isticmaalo goobaha istaraatiijiyadda. Warbixintu waxay si toos ah isugu xidhaysaa xasillooni-darrada Badda Cas iyo kor u kaca muhiimadda Somaliland oo ka faa’ideysanaysa marin badeedka muhiimka ah ee gobolka.
Warbixintu waxay xustay, “Maadaama marinka Bab el-Mandeb uu yahay halbowle ay dhibaatadu taabatay, Somaliland waxay soo bandhigaysaa xeeb dheer oo xasilloon, taasoo noqon karta: Bar-koormeere (Monitoring Point) si loola socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo Madal rasmi ah oo damaanad qaada badqabka Saadka Caalamiga ah (Logistics Platform) isla markaana lagu maareeyo badeecadaha caalamiga ah.”
Waxa kale oo ay warbixintu intaasi raacisay “Sidoo kale, Berbera maaha oo kaliya magaalo istaraatiiji ah, balse waa “Hanti Badeed” (Maritime Asset). Adduunka way u caddahay in Berbera ay tahay furaha isku xidhka Aasiya, Afrika, iyo Yurub. Xitaa haddii dal aan aqoonsi haysani uu gacanta ku hayo marin muhiim ah, qiimihiisu wuxuu kordhayaa ficil ahaan (practice) ka hor inta aanu ku kordhin sharci (law). Tanina waa tusaalaha dhabta ah ee Quwadda Aamusan ee Juqurafiyadeed (Somaliland.”





